Doontii Ugu Horraysay Ee Badeecad Sida oo Kusoo Xidhatay Dekedda Maydh

0
1467

Maydh (Hargeisa Press)- Waxaa Dekedda  Maydh ee gobolka Sanaag ku soo xidhatay doontii ugu horreysay oo sidda badeeco bagaash ah oo ay ganacsatada dalku soo iibsadeen.

Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Doonta bagaashka sida ee ku soo xidhatay Dekeda Maydh tahay horumar u soo kordhaya Gobolka Sanaag iyo guud ahaan gobolada bari oo dhan.

Dekedda Maydh, ayaa kordhin doonta wax soo saarka dalka Somaliland iyo ka faa’iidaysiga kalluunkeeda, ayaa noqondoonta deked Kalluumaysi oo ay dhammaan reer Somaliland ka faaiidaysan doonaan, isla markaana wax ka badali doontaa nidaamkii dhaqan dhaqaale ee Gobolka Sanaag, iyada oo fududayndoonta isu socodka iyo xidhiidhinta baddeena dheer ee Berbera ilaa Sanaag.

Waxaa kale oo ay waxbadan ka bedeli doontaa gobolada bariga oo ay ku fogtahay dekedda magaalada Berbera.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland, ayaa dhexda u xidhatay dhismaha dekeddaasi, oo la bilaabay 11 August, 2020, oo uu hormuud u ahaa wasiirkii Hore ee Qorsheynta qaranka Somaliland Cawaale Ibraahin Shirwac, Isla markaana xadhiga laga jaray 26 December 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here