Doonni Siday Qoxoonti Yemeniyiin ah Oo Ku Soo Xidhatay Dekadda Berbera

0
560

Berbera (Hargeisa Press): Dooni siday dad qoxoonti magal geliyo doon ah oo ka soo carraray colaadaha dalka Yemen ayaa galabta ku soo xidhatay dekadda magaaladda Berbera.

Waxaana dadkaasi qoxoontiga ah markii ay Doonta ka soo degeen halkaasi ku qaabilay masuuliyiin ka socday haayadda arrimaha qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland iyo haayadda IOM.

Dadkaasi oo ay tiradoodu tahay 177 qof ayaa isugu jira dumar, caruur, rag iyo dad kaloo waayeel ah oo jilicsan, kuwaasoo ay tiro yaroo ka mid ah tahay Soomaali.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY