Dooni Badeeco U Sidday Boosaaso oo Ku Degtay Badweynta Hindiya

0
717

Boosaaso (Hargeisa Press)- Doon u soo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qadaday deked ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay inay ku degtay xeebaha badweynta Hindiya.

Doontan oo laga lahaa dalka India ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana makhribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cuman.

Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti badan.

Shixnada ay Doontan siday oo isugu jiray Raashin iyo Bagaash ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay baaba’een hantididii saarneyd oo lagu waayay biyaha Badda.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay u degto Dooni ganacsato Soomaali ah u sida Badeecooyin kale duwan kuwaa oo intooda badan ku sii jeeda deegaannada Puntland.

 

Hargeisa Press Desk/Boosaaso Office.

LEAVE A REPLY