Doodaha Danyarta Iyo Dugsiyada Gaarka Ah ! Qalinkii: Axmed Cismaan Batuun (Q.4-aad)

0
752
Axmed Cisman Batuun

Waxaad soo aragteen sida ay dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay u marin habaabiyeen tacliinta dalka,iyo sida ay u bililiqaysteen macalimiinta,ardayda,iyo waxyaalaha ay ku kasban karaan kalsoonida bulshada ay u adeegaan.

 

Qormadan waxaynu iyana ku iftiimin doonaa sida dugsiyadan oo dalka intiisa badan laga hirgaliyay ay isugu rogeen goobo ganacsi oo si bilaa xishooda u hawlgala,kuwaas oo la odhan karo waxay galdaloolooyin ay ka faa,iidaystaan ka ka heleen maamuladii kala duwanaa ee waqtiyadan adag oo la daalaa dhacayay soo maray wasaarada waxbarashada.

 

waxay bilaabeen inay toos u garab maraan in badan oo ka mida dugsiyada gaarka ahi xeerarka u dejisan dalka ee xaga wax barashada,waxay qaateen qaarkood manhajyo kala duwan oo ajaaniba kuwaasoo ku baxa luuqado kale sida carabiga iyo ingiriisi.

 

arimaha yaabka badan ee ayku dhaqmaan waxaa ka mid ahaa ilaa imikana jirta in ay qiime aad u badan ku iibiyaan buugaagta ay ardayda u dhigaan kuwaasoo qasab lagaga dhigo waalidka inay u iibiyaa ubadka.

 

Waxaa kale oo dugsiyadani sameeyeen qorsheyaal ay ku kala ilaaliyaan waalidiinta ubadkoodu dhigtaan dugsiyadan gaarka loo leeyahay iyadoo xikmadda ku jirtaa ay tahay in waalidku hadii ay si kedis ah ugu kulmaan dugsiga inta ay is waraystaan ka dib guddiyo samaystaan ay la doodaan mulkiileyaasha iyo maamulka ganacsata waxbarashada ka dibna hoos loo dhigo macaashka xaaraanta ah ee ay ka helaan danyarta,iyo ugu yaraan  in arrimohoodu u gudbaan banaanka isla markaana indhaha saxaafadda iyo xaq u dirirku qabtaan,taasoo waxyeelo u gaysan karat habka ay u dhaqmayaan goobahani iuo guud ahaan siyaasadda ka ganacsiga qaldan ee aqoonta.

 

waxaa dhacda in dugsiyadani waalidka ka saxeexaan heshiis ay iskaga fogaynayaan damaanada ilmaha inta uu dugsiga ku jiro hadiiba uu la kulmo ilmuhu dhibaato, kaas oo xataa nuqul aan laga siinin waalidka balse keliya laga saxeexo qaybta dugsiga la dhigayo hadiiba waalidku codsado in coppy laga siiyona aan laga ogolayn.

 

Dugsiyadan gaarka ah ee aan ka hadlaynaa akhristoow uma kala dhawa bulshada haday yihiin kuwa lagu barto culuumta diinta iyo kuwa kale waxaana taa marag u ah in la ogyahay qiimayaasha xad dhaafka ah ee lagu dhigto madaariska magaalooyinka dalka,sida aanay u dabakhin siyaasada waxbarashada dalka iyo sida ay manaahijta dalalka kale uga doorbidaan manhajka dalkan iyagoo gabood ka dhigta diinta,balse ujeedka saxda ahi yahay goob ganacsi oo u ganacsanaysa si aan sharci ahayn kana ganacsanaysa wax aan laga ganacsan oo ah aqoon taas oo xataa ay ku jirto diin iyadoola garan karo waxa gali kara dugsiga,macalinka,shaqada ama adeega lagu bixiyo goobta.

 

Arrimahan aan soo xusnay oo intooda badani ay yihiin kuwo culaysyo badan saara waalidka ayaa dad badani ay aaminsanyihiin in ay qayb ka yihiin koboco tahriibta dhalinyarta iyadoo looga aanaynayo dhinaca dhaqaalaha tusaale ahaan marka ilmuhu waalidkii ka codsado inuu ku daro dugsiga gaarka ah  ee hebel ka dibna waalidkii ogaado in aanu bixin karin lacagta dugsigaasi lagu dhigto ee uu ilmihii ku qanciyo in aanu ku dari karin waxay dhalin kartaa in ilmahaasi tahriibo,waana daliil caqli ku dhisan oo kasoo baxay xog ururintii barnaamijka intii uu socday.

 

Dhinacyada dirayska waxaa waalidka kaga yimaada culaysyo kale oo badan waana mid ay ku khilaafsanyihiin wasaarada waxbarashada oo dugsiyada gaarka ah in badan oo ka mida ayaa leh diraysyo u gaara,inkastoo arrintaa wasaaradu culays ku saartay,

 

si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa aaminsan in dugsiyada gaarka loo leeyahay hadii sidan ay kusii socdaan ay noqon karaan kuwo marin habaabiya wax barashada ubadka waxaana la aaminsanyahay in loo baahanyahay talaabooyin lagu xakamaynayo waxyaalaha ka hor imanaya shuruucda waxbarashada dalka ee dugsiyadani ku kacaan gaar ahaan dhinacyada,manhajka ay raacaan,xaga dhaqaalaha xad dhaafay,iyo siyaasadaha ay ku bahdilayaan dugsiyada dawladu maamusho.

 

La soco qaybta 5aad

 

Qalinka Axmed Cisman Batuun.

LEAVE A REPLY