Dood Si Qotodheer Loogu Lafa-guray Dedaallada Doorashooyinka iyo Daafadda Covid19 oo Xarunta Dhaqanka Hargeysa Qabatay

0
614

Hargeysa(HargeisaPress)- Dood si qoto dheer loogu lafa-guray dedaallada doorasho-doonka ee ka socda dalal badan oo ay Somaliland ka mid tahay iyo saamaynta uu ku yeeshay amma ku yeelan karo qabsoomidda doorashooyinkaas cudurka Covid-19 ee dunida aadka ugu faafay.

Waxaa falanqayntan lagaga hadlay nidaamka dimuquraadiyadeed ee Afrika iyo sida sadhada Koofidh-19 u saamaysay, gaar ahaan doorashooyinka, xaaladaha degdega ah ee waddamadda qaar ay soo rogeen iyo guud ahaan awoodaha fulineed ee dawladaha ay Somaliland, Itoobiya iyo Kenya ka midka yihiin oo xilli doorashooyin u qorshaysnaa qabashada iyo diyaarintooda ay Sadhada Covid-19 ku soo beegantay.

Dooddan oo ay habka online-ka ee maqalka iyo muuqaalka ah ku qabatay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa fiidnimada 15-ka Julay 2020, isla markaana waxaa ka qaybgalay Khabiirro aad looga tixgeliyo siyaasadda Afrika oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira, kuwaas oo ku kala nool dalal kala duwan.

Barnaamijkaas oo dhammaystiran, isla markaana xog iyo xiiso badan xambaarsan, Khabiirraduna wax badan ku qeexeen, kagana jawaabeen su’aalo daawadayaal dalal kala duwan joogaa khadka faysbuug si toos ah ugu soo weydiiyeen, waxaannu isagoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here