Dood dhex martay Maalka, Cilmiga iyo Sharafta.!

0
1395
Amb Samia Muse

Maalkii ayaa Hadalka ku hor marey oo yiri:

Aniga waxaa la yiraahdaa Maal waxaan idinkaga fiicanahay 4 qodob oon la igu gaarayn, Dadkaa i Jecel oo waxaad moodaa in Jacaylka ay ii qabaan Dartii aan Sixray. Dhaldhalaakayga iyo Quruxdaydu waxay soo jiitaaan dadka oo dhan Mid Yar iyo Mid Waynba. Dhibaatooyinkaa la igaga baxaa Shidooyinka iyo Rafaadka oo Qofkii i haystaana ma dareemo dhib. Ugu danbayn meeshaan ka Maqanahay Belo way ku dhan tahay iyo Murugo.

Waxaa markiisa lagu soo dhaweeyey Minbarka Doodda Cilmiga waxaanu yiri: Anigu la iskuma Jiree waxaan la shaqeeyaa Caqliga Umuuraha Aduunka ka jirana waxaan ku daweeyaa Caqli, Cilmi iyo Xikmad.waxba kuma daweeyo Dolar, Dirham, iyo Diinaar waxaanse Adeegsadaa Qawaaniin iyo Aqoon. Isku soo Duuduubo Anigu waxaan la Dagaalamaa Cadawga Bini’aadamka oo kala ah.Faqriga , Jahliga iyo Xanuunka ayuu Dooddiisa ku soo Afmeeray.

Waxaa isaguna markiisa Doodda soo galay Sharafka waxaanu yiri: Anigu horta sidiina oo kale ma ihi waxaan idinkaga Duwanahay aniga la ima Iibiyo la imana soo Iibsado oo Qaali ayaan ahay, Qofkii igu dedaalaa wuxuu yeeshaa Sharaf aan weligeed ka tegin, Qofkiise iska kay Nacaa wuu Duloobaa oo Bilaa Sharaf ayuu noqdaa.

Dooddii markii ay soo xirantay ayaa waxey Dooneen inay is Maca Salaameeyaan waxaana mid kasta la waydiiyey meesha laga helo ? wuxuu yiri Maalkii : markaad i Doontaan iga soo eega Qasriyada Waawayn Bangiyada iyo Shirkadaha!

Cilmigiina wuxuu yiri : markaad ii Baahaataan iga soo doona Jaamacadaha iyo meelaha ay fadhiyaan Aqoonyahanku iyo dadka Xikmada badani. Laakiin waxaa aamusay oo hadli waayay sharafkii ! markaasay Saaxiibadii Waydiiyeen oo adiga xagee lagaa helaa ? wuxuu yiri:

Anigu Sharaf ayaa la yiraahdaa hadii aan tagana ma soo noqdo ee ha i Doon doonina marka hore i Xejjista oo ha i sii daynina !!!!!

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here