Djibouti: Madaxdii Dalka, Mucaarid Iyo Muxaafadba Oo Isugu Tagay Meherka Gabadh Geelle Dhalay

0
1201

ismail omarDjibouti ,(HargeisaPress) — Madax badan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Qaranka Mucaarid iyo Muxaafidka ayaa la sheegay in ay saacadihii ugu dambeeyey ku sii qulqulayeen iyaga oo ka qayb galaya Xaflad Meher oo la qaban qaabinayo oo la filayo in ay u qabsoonto qoyska Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo la filayo in Dalkaasi la isugu hibeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wakhti dalkaasi kolba sida uu doono ka yeelayo xadka uu la wadaago Jamhuuriyadda Somaliland kadib markii uu hore u xidhay dalkaasi hadana furay kadibna la sheegay in uu mar kale xidhay.

Wufuudda Somaliland laga casuumay ee Xafladda Meherkaasi ka qayb galaysa ayaa la sheegay in ay isugu jiraan Madaxda Xisbiyada Qaranka, xubno ka socda Baarlamanka Somaliland iyo waliba xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland iyada oo aanay marnaba dhinac u dhicin xaaladda xadka Somaliland iyo Jabuuti u dhaxeeyaa oo ay hore u sheegtay xukuumadda Somaliland in la furay balse wararka qaar sheegayaan in ay dib u xidhatay Jabuuti xadka ay la wadaagto Somaliland iyada oo sheegtay in ay illaa maalmaha ciidda ee innagu soo fool leh xadkeedu xidhnaan doono.
Xukuumadda Jabuuti ayaa la sheegay in ay diyaarad khaas ah u soo dirtay 35 Xubnood oo reer Somaliland ah, kuwaasoo iskugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Madax-dhaqmeed, waxaana si gaar ah loogu soo diray Diyaarad khaasa oo Shalay subax ka qaaday Garoonka caalamiga ah ee Egal International Airpot.
Siyaasiyiinta lagu marti-qaaday ee diyaaraddan loo soo diray waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Siyaasiyiin, Xubno ka mida Golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Salaadiin iyo Marti sharaf kale.
Waxa iyaguna hore ugu sii sugnaa Djibouti oo lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa la sheegay in marti-qaad noocan oo kale ahi uu madaxweynaha Jabuuti u diray masuuliyiin ka tirsan Puntland, Soomaliya iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Arrintan layaabka leh ayaa ku soo beegmaysa wakhti siyaasadda Somaliland iyo Jabuuti aanay ahayn mid sal leh dhinacna ka raran iyada oo xukuumadda Somaliland aanay si adag mar kali ah uga hadal waxna ka soo saarin xaaladda xadka iyo xidhiidhka dalkaasi Jabuuti. Is daba yaaca madaxda Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba ayaa ah arrin muujinaysa sida aanay Madaxda Somaliland siyaasad ah dhinacna uga lahayn dalka Jabuuti. Dad badan ayaa is waydiinaya sababta keentay in xaflad Meher sidan looga qayb galo oo loo buunbuuniyo iyada oo xukuumadda Jabuuti xafladaha waaweyn ee qaranka Somaliland aanay siinin wax milgo ah halka ay ka buunbuniso siyaasadda dalka Soomaaliya oo ay aad u weynayso.

Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY