Diyaarado Dagaal oo mar kale Duqeeyay Caasimadda Dalka Liibiya ee Tripoli + SAWIRRO

0
903

Tripoli,(HargeisaPress) — Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn ayaa maanta mar kale duqeeyay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, kaddib markii kooxo hubeysan ay sheegeen inay qabsadeen garoonka weyn ee diyaaradaha.

Shacabka ku nool magaalada Tripoli ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa diyaaradaha dagaalka iyo madaafiic culus oo ay ku garaacayeen bartamaha magaalada, balse ma jirto cid faahfaahin intaas ka badan bixin karta.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa Liibiya ka dhacayay dagaallo aad u culus, tan iyo markii xoogag ay NATO taageeraysay ay xukunka ka tureen madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Qadaafi sannadkii 2011-kii.

Jen. Khalifa Haftar ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah kooxaha islaamiyiinta ah oo uu sheegay inay ku xoogeysanayaan deegaannada shidaalka laga soo saaro ee dalkaas.

Ciidamadiisa ayaa sheegtay mas’uuliyadda duqeynta garoonka diyaaradaha ee Tripoli, isagoo sheegay inay ujeeddadoodu ahayd inay burburiyaan koox awood badan ku leh magaalada Misrata oo sheegtay inay garoonka gacanta ku dhigeen.

Dagaallo u dhexeeya kooxaha Zintan iyo Misrata ayaa ka billowday dalkaas tan iyo markii xilka laga tuuray Qadaafi, iyadoo kooxaha ay qabsadeen inta badan magaalooyin ku yaalla galbeedka iyo bariga Liibiya.

Waddamada dariska la ah Liibiya ayaa ka xirtay xuduudaha, kaddib markii ay ku sheegeen in dalkaas ay ka dillaaceen dagaallo sokeeye oo ay ku lug leeyihiin ciidamadii dalkaas.

Kooxda Misrata ka dhisan ayaa waxay duqeymaha diyaaradeed ee Tripoli ka dhacayay ku eedeeyeen dalalka Masar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasoo ay sheegeen inay doonayaan inay burburiyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka jira dalka Liibiya.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY