Diyaarado dagaal oo duqeeyey deegaanno Hargeysa ka tirsan

0
914

Hargeysa,(HargeisaPress) —Diyaarado aan la aqoonsan cidda leh iyo ujeeddada ay u socdeen toona, ayaa shalay duqeymo ka geystay deegaanno hoos yimaadda Degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex, kuwaas oo banbooyin holcaya ku tuuray dad reer guuraa ah oo deggen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degmada Sallaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeysa.

Guddoomiyaha Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), ayaa u sheegay warbaahinta HCTV, in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa Salaxley iyo deegaanka Aaden Abokor. Ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah  oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine.

Guddoomiyaha degamada Sallaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.

Sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay HCTV ayaa u sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn  meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen.

Lama oga dalka laga leeyahay leh diyaaradahaasi Militeri ee duqaynta gaystay, balse gudoomiyaha degmada salaxlay ayaa sheegay in marar hore diyaarado militeri ay joog hoose ku dulmareen degmada, balse ay tahay markii u horaysay ee Bambooyin Tuuraan, arrintaasi oo oo cabsi galisay dadwaynaha deegaanka.
laamaha ammaanka ee Somaliland iyo Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa lagu wargaliyay dhacdadan.

Sidan oo kale ayaa degmada Gabilay diyaarado dagaal ay hub ku tuureen dhul dhaaqsimeed ay ku sugnaayeen dad xoolo dhaqato ah, xukuumadda somaliland-na kama hadasho inta badan arrimaha diyaadahaasi ay dadwaynuhu ka cabanayaan.

HargeisaPress News Desk = Hargeysa

LEAVE A REPLY