Diyaarad Dagaal oo Mareykanku Leeyahay oo Ka Degtay Madaarka Berbera

0
4056

Berbera (Hargeisa Press) –Diyaarad nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidammada Cirka ee Mareykanka, ayaa markii ugu horeysay soo caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Diyaaradan dagaal ee uu leeyahay Mareykanku oo nooceedu yahay C-130J-30 Super Hercules, ayaa la sheegay in ay toddobaadkan soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Berbera.

Ma cadda in dowladda Somaliland ay heshiis la gashay Mareykanka si ay u isticmaasho madaarka iyo dekedda Berbera iyo haddii heshiiska noocaas ahi uu noqon doono isbeddel ku dhaca mowqifkii dhawaan Mareykanku ka qaatay Somaliland. Iyada oo Labada xarumoodba dhawaan la casriyeeyay si heer caalami ah.

Sidoo kale, ma jiro war rasmiya oo Dowladda Somaliland kaga hadashay diyaaradda Ciidanka Mareykanku leeyahay ee soo fadhiisatay Garoonka Diyaaradaha Berbera oo dhawaan Dowladda Imaaraadka Carabtu ku samaysay Dayactir.

Arrintan, ayaa muujinaysa danayn cusub oo uu Mareykanku ka qabo Somaliland iyo in Mareykanku uu gacan saddexaad u soo maray Somaliland, si uu u helo Xarun gargaar oo Jabuuti u beddesha, maaddaama oo Colaadaha ka socda Waqooyiga Itoobiya ay sababeen Go’doon ku yimaadda gargaar la gaadhsiiyo Dadka Colaadahaasi sameeyeen.

Colaadaha ka jira gobollada Woqooyiga Itoobiya ee Tigray, Canfarta iyo Amxaarada, ayaa abuuraya is -xannibaad laga yaabo inay caqabad ku noqoto bixinta gargaarka bani’aadamnimo ee la gaadhsiiyo dadka Tigray -ga iyada oo loo sii marinayo Jabuuti. Badeecadaha ugu badan ee Itoobiya loo soo dhoofiyo waxay ku yimaadaan nidaamkan tareenka.

Maraykanka, ayaa lagu eedeeyaa inuu iska indho-tiro Qadiyadda Somaliland iyo inuu si toos ah u taageero, laakiin lama oga in dhaqdhaqaaqyada haddu bilow u yihiin isbeddel uu ku samaynayo siyaasaddiisii hore.

Sikastaba ha-ahaatee, diyaaradda Ciidan ee uu Mareykanku leeyahay ee soo fadhiisatay Garoonka diyaaradaha Berbera, ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladdu sheegtay in loo beddelay Garoon ay ka duulaan diyaaradaha Rayidka.

LEAVE A REPLY