“Diyaaraddo ay inaga joojin karaan Soomaaliya ma jirto”…

0
1878

Hargeysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay dawladda federaalka Soomaaliya awood u lahayn in ay maamusho Hawadda Somaliland ama in ay diyaaradaha Somaliland imanayo joojiso.

Balse ay labadda dhinacba mid waliiba haysato Taawarka laga maamulo hawadda iyo duulimaadyadda diyaaradaha oo ay u madax banaan tahay.

Sidaasina waxaa sheegay maareeyaha haayada duulista iyo madaarrada ee Somaliland Cumar Sayid, oo maanta hor tegay golaha Guurtidda Somaliland oo uu warbixin ka siiyay hawlaha ay haayadaasi qaranka uga masuulka tahay.

Maareeyuhu waxa uu tilmaamay in aanay Soomaaliya awood u lahayn in ay xanibto duulimaadyadda imanaya Somaliland, isla markaana ay Somaliland hawlaheedda maamulka hawadda u madax banaan tahay.

Hase yeeshee waxa Somaliland kaga maqan Soomaaliya ee dhinaca arrimaha hawada ah ay tahay dakhliga ka soo baxa hawadda oo ka dhexeeyay labadda dawladood in ay qayb sadaan.

Laakiin ay dawladda federaalka Soomaaliya keligeed dhinac ula jeedsatay ka faa’iidaysiga iyo maamulka dhaqaalahaasi.

Sida uu dhigayay heshiisyadii lagu gaadhay wadahadaladii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa in xubno guddiyo ah oo labadda dhinac ah wada jir u maamulaan dakhliga hawadda.

Sababta ay arrintaasi tallaabo uga qaadi wayday Somaliland ayuu maareeyuhu ku sababeeyay in Somaliland ay ixtiraamayso xeerka duulimaadyadda caalamiga ah oo sheegaya in aan la carqaladaynin arrimahha duulimaadyadda.

Geesta kale Cumar Sayid, waxa uu sheegay in sidii Somaliland ay weli ka dhur sugayso dhinaca Soomaaliya sidii qaybteedda looga siin lahaa dhaqaalaha maamulka hawadda.

Laakiin, haddii ay Soomaaliya arrintaasi waxba ka bedeli waydo in ay ka haayad ahaan qorshe iyo siyaasad ka leeyihiin sidii ay Somaliland hawadeedda u maamulan lahayd.

Dhinaca kale xildhibaanadda golaha Guurtidda ee fadhigii maanta joogay ayaa maareeyaha waxay waydiiyeen su’aallo kala duwan oo la xidhiifha arrimaha maamulka hawadda Somaliland iyo madaarrada dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY