“Diiwaangelintu waxay ku fulaysaa isku tashiga dhaqaalaha Somaliland oo aanay”…

0
444

Hargaysa (HP): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay sida ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu uga socoto degmo doorashooyinka goboladda Sool iyo Sanaag.

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa maalintii afraad oo ah marxaladda hore  waxay ku dhamaanaysaa goboladda Sool iyo Sanaag, oo ay weheliyaan goboladda Xaysimo iyo Badhan.

Labadan gobol ee Sool iyo Sanaag ayaa noqonaya labadii gobol  ee ugu danbeeyay ee ay ka qabsoonto diiwaangelinta codbixiyeyaashu, iyadoo hore uga soo qabsoontay goboladda Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Toghdeer.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si wanaagsan uga socoto goboladda Sool iyo Sanaag, isla markaana ay dadweynuhu si fiican oo hab-sami leh ay isku diiwaangelinayaan.
Maxamed Kaahin Axmed, waxa kaloo uu sheegay in diwaangelintaasi ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada, masuuliyiinta goboladda iyo degmooyinka iyo ciidamadda milateriga iyo booliska.

Waxaanu uga mahad celiyay masuuliyiintaasi kala duwan sida xil-kasnimadda leh ee ay uga shaqeeyeen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Geesta kale wasiirka ayaa u mahad celiyay madax dhaqameedka, odayaasha iyo waxgaradka deegaamadda ay diiwaangelintu ka socoto oo uu tilmaamay in ay si masuuliyad iyo xil-kasnimo leh uga qayb qaateen hawshaasi.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in kharashka lacageed ee  ku baxaya hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

DAAWO:WASIIRKA OO ARRIMAHAA KA HADLAYA:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY