Diiwaangelinta Hablihii Ku Guulastay Shaqo Qaran Oo Laga Bilaabay Laascaanood

0
634

Laascaanood (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran oo booqasho ku tegay magaaladda Laascaanood.

Waxaana maanta magaaladda Laascaanood laga bilaabay diiwaangelinta ardayda haweenka ee dufcadii saddexaad ee  ku guulaystay barnaamijka shaqo qaran ee gobolka Sool.

U jeedadda socdaalka guddoomiye Mu’adinka, ayaa la xidhiidhay diiwaangelinta hablihii ku guulaystay barnaamijka shaqo qaran ee ku soo guulaystay imtixaankii laga qaaday.

Iyadoo ay ku hawlan yihiin sidii loo diiwaangelin lahaa gabdhahaasi, isla markaana loogu samayn lahaa kaadhadhka aqoonsiga ee ah in ay guulaysteen.

Sida uu sheegay guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (mu’adinka), oo ka warbixinayay u jeedadda safarka uu ku tegay Laascaanood.

 

LEAVE A REPLY