Diidmadda Wakiiladda Ee Xubnaha Komishanka U Metalaya Mucaaradka?

0
619

Hargeysa (Dawan): Fadhi aan caadi ahayn oo maanta yeesheen mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland waxay ku diiday inay ansixiyaan labada xubnood ee xibiyada mucaaridka u  matali lahaa kominshanka  doorashooyinka.

Kadib markii cod gacan tag ah ay xildhibaanadu u qaadeen labadan xubnood,  waxaa xubinta xisbiga Waddani u codeeyey  31 xildhibaan. Halka xubinta xisbiga  UCID-na ay u codeeyeen 29 xildhibaan.

Taasoo ka dhigan in aan labadda xubnood midkoodna gaadhin tiradda codadka ay u baahnaayeen in ay ku ansaxaan.

Waxaana xusid mudan in xubin kasta oo kominshan ay u baahantahay  inay ansixinteeda u codeeyaan ugu yaraan 41 xildhibaan.

Sidaas-na waxaa ku ansixi waayay labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka.

Geesta kal diidmadan ay  xildhibaanada  kala kulmeen labadan xubnood ee matalaayay xisbiyada mucaaradka ah ayaa meesha ka saaraysa rejadii laga qabay doorasho dalka ka qabsoonta.

Iyadoo la filayo in mar kale ay laba xubnood oo kale dib u soo magacaabaan labadda xisbi mucaarad.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here