Dhismaha Laba Garroon Oo Laga Dhagax Dhigay Dugsiga Kuwait-tiga Gabiley

0
422

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta dhagax dhigay laba Garroon oo kuwa ciyaaraha ah oo loo dhisayo dugsiga daryeelka bulshadda Kuwait-tiga ee magaaladda Gebilay.
Labadan Garroon ayaa kala ah laba garroon oo midna uu yahay Kubbada Cagta ah, halka midka kalena uu yahay Kubbadda gacanta.

Dhismaha labadan garroon ayaa loogu tala-galay in carruuta xarunta Kuwait-tiga ku jirtaa ay Kubadda Cagta iyo ta kubadda Gacanta ku ciyaaraan, xiliyadda ay fraaqadda leeyihiin.


Dhagax dhiga labadaasi garroon waxaa badhasaabka ku wehelinayay maayarka magaaladda Gabiley, iyo masuuliyiinta dugsiga daryeelka bulshadda ee Kuwait-tiga ee magaaladda Gabiley.
Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay dhagax dhiga labadaasi garroon ayaa sheegay in ay muhiim tahay in carruurta ku jirta dugsiga Kuwait-tiga ee magaaladda Gabiley ay helaan meello ay ku ciyaaraan xiliyadda ay firaaqada leeyihiin.


C/qani Jiidhe, ayaa sidoo kale haayadda Direct Aid, ee mashruucaasi maalgelinaysa uga mahad celiyay hirgelinta labadaasi Garroon.
DAAWO: Badhasaabka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here