Dhibaatadda Dagaalka Sokeeye Ee CeelAfweyn Ee Soo Noqnoqdey Waxa Ku Ceebaysan Wasiirka Arimaha Gudaha — Warbixin

0
919
Wasiirka Aimaha Gudaha Somaliland Mohamed Kaahin PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress)—Dagaal qadhaadh, oo Noociisa ah ayaa galinkii Dambe ee Maanta mar kale ka dhex Qarxey Labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Tiradda Dhimashada ayaa Mareysa 14 qof halka dhaawacuna marayo labaataneeyo, kadib markii ay isku gabal dhacsadeen Ciidamao Beeleedka labada dhinac, oo isku helay fursad jaanis badan ay isugu heleen oo aaney habayaraatee, cidina ku dhex galin.

Xiisadan Dagaalka kasoo Cusboonaadey Deegaanka Ceel-Afweyn oo gabi ahaanba faraha ka Saarey Nabedgalyaddii dhawaan halkaa ka jirtey ayaa cabsi xoog lihi kusoo food saartey guud ahaanba Shacbiga Maatadda ah ee halkaa ku nool iyadoo aaney habayaraatee jirin Wax dhaqdhaqaaq ah oo Xukuumaddu ku dhex gashey Colaada Xiligan ka qaraxdey markii 20,tanaad Deegaanka Ceel-Afweyn ee Dagaalka Sokeeye kusoo noqnoqdey.

Guud ahaanba Shacabka Gobolka Sanaag ayaa Fashilaada Dhinaca Xukuumadda ee Xiisadan Dagaal Dusha u Saarey Fashilaada Wasiirka Arimaha Gudaha oo Shaqadiisii Qarankani u Fashilan tahey Islamarkaana, mudadii uu Xilkan hayay ay Maalinba Maalinta ka Dambeysa sii xoogaysanayso,daggaalada Sokeeye iyo Dhimashada Dadka Rayidka ah ee Colaadani u Dhaxayso iyo Waliba dilalka Saraakiisha iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani ayaa mudooyinkii u Dambeeyay Ka mashquulay Hawsha Ciidanka gaar ahaana, Ciidanka Qaranka oo Si xoog ah loogu Xamanayay Gobolka Sanaag in Fashilaado badani ka jiraan geesta Ciidanka Qaranka oo awal hore Nabedda Deegaankaasi iyo Shacabka iyo Xikuumaduba ku Seexan jireen haseyeeshee, mudooyinkii u dambeeyay Fashilaado badani ka jireen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY