Dhex-dhexaadin Laga Dhex Waday Saylici iyo Wasiir Saajin oo Fashilmay

0
8053

Hargeisa (Hargeisa Press) – Maalmihii u dambeeyay waxa dhexdhexaadin laga dhex waday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inuu u tartamo Kursiga Guddoomiye ku xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Saylici.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu labada Masuul ku qanciyo inay is faham soo gaadhaan, laakiin laguma guulaysan arrinkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Waxgarad is-xilqaamay ayaa la sheegay inay Waan-waan ka dhex bilaabeen Masuuliyiinta kala ah Saylici iyo Saajin oo isku Gobol ka soo jeeda, waxayna Odayaashu doonayeen in inta aan la gaadhin Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee ku muddaysan horraanta bisha Dambe ay gaadhaan heshiis, kaasi oo noqon kara in midkood tanaasulo.

Warar laga helayo dhexdhexaadinta laga dhex waday labadaa Masuul ayaa sheegaya inaan wax natiijo ah laga gaadhin, ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga uu mid walba ku adkaystay go’aankiisa.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku doodaya inaan kursigiisa lagula tartami karin, maaddaama oo aanu jirin kursi kale oo ka mid ah hoggaanka oo lagu tartamayo xilliga, halka Wasir Saajina uu ku doodayo inuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here