Dhaqdhaqaaqyada Socda Ee Dhinacyada Siyaasada & Dhaqaalaha Waa Dhabadii Guusha By: Abdikalik Abdilahi Awal Bari

0
1259
Abdikalik Abdilahi Awal Bari. PHOTO FILE

Berbera — Sida Aan Aragno Ama Inoo Muuqata Dhaqdhaqaaqyada Socda Ee Dhinacyada Siyaasada & Dhaqaalaha Marka Aan Eegno Waxaa Kuusoo Baxaysa In Dalku Cagta Saaray Dhabadii Horumarka Iyo Helid Citiraaf Buuxa

Safarada Madaxwayne Muuse Bihi Abdi Midba Ka Kadambeeyaa Wuxuu Usii Kacaa Sare (Heer Caalami) Taasina Waxay Kuu Sheegaysaa Sida Indhaha Caalamku Inoogu Soo jeedaan Ama Ay Inoogu Heelan Yihiin Waana Wax Lagu Diirsado Iyadoo Sadexdii Safar Ee Madaxwaynuhu Uu Ubaxay Debeda Loola Macaamilay Sida Madaxwayne Dalkiisa La Aqoonsanyahay Oo Kale

Guud Ahaan Siyaasadii Arimaha Debedu Waxay Umuuqataa Mid Hore Udhaqaaqday Weliba Mudadii Dowladan Cusubi Lawareegtay Xilka Waxaanan Umalaynayaa Wasiir Fadhitoon Wuxuu Noqon Doonaa Wasiirka Ku Guulaysta Citiraafka Dalkan Somalinad Alle Haka Dhigee.

Dhinaca Kale Horumarintii Dhaqaalaha Ayaa Iyana Umuuqata Mid Soo Kobcaysa Marka La Eego Sharaaiga Waawayn Ee Kusoo Dhiiranaaya Dalka Sida DPWord & Etc Iyo Iyadoo Dhawaan Ladhagax Dhigay Wadadii Corridor Oo Iyana Inagu Soo Kordhin Doonta Tacmiir Badan Oo Dhinaca Ganacsiga Ah.

Dhan Kastoo Laga Eegaba Waxaa Muuqata In Maanta Aynu Marayno Halkii Ugu Wanaagsanayd Waxaana Aynu Maraynaa Last Win Bridges Waxaana Muuqata Oo Aan Fogayn Gaadhidii Guusha (Hiigsiga Himilada Dalkeena) Waxaan Leeyahay Wakhti Badan Waynu Samraynaye Aynu Hareeraha Iska Taagno Horumarka Dalkeena Dhan Kastaba.

Waxan odhan laha Safarka Madaxwayne Muuse Biixi  ku tagay dalka Imaaraadka iyo kii ka horeeyay ee uu ku tagay dalka Ethiopia hab maamùskii loo qaabilay wuxuu ina tusayaa meeqaamka sare ee labadaa dal ula macaamilayaan Somaliland inuu yahay horumar dublamaasiyadeed oo hore ay u qaaday Somaliland. Horaa loo soconayaa, Somaliland Guul iyo Gobanimo.

Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Dadka Dhanka Xun Wax Ka Eega Ee Ka Indho La Wanaaga Waar Wadanku Waa Kiinii Cidina Idinkaba Xaq & Xuquuq Badnee Dhanka Wacan Wax Ka Eega.

——Wabilaahi Towfiiq——

By: Abdikalik Abdilahi Awal Bari

LEAVE A REPLY