Dhaqan Galka Xeerka Liisamadda Ganacsiga Guud Ee Somaliland Oo La Daah-furray

0
701

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa maanta xarunta wasaaradiisa si rasmiya u daah-furay dhaqan galka xeerka liisamadda ganacsiga guud ee Somaliland.
Xeerka liisamadda ganacsiga guud ee Somaliland ee Xeer LR. 98/2021-ka oo ay muddo doodiisu soo socotay ayaa ugu danbayn la isla qaatay in wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee uu khuseeyaa in ay mid waliba gaarkeedda u bixin karto
Munaasibadani lagu daah-furayay dhaqan galka xeerka liisamadda ganacsiga guud Xeer LR. 98/2021-ka, oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka qayb gallay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland.
Waxaana ka mid ahaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta C/laahi Abokor Cismaan, wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka C/rasaaq Ibraahim Ataash, guddoomiyaha baanka dhexe Eng. Cali C/laahi Daahir.
Guddoomiye ku-xigeenka haayadda caymiska qaranka Sahra Aadan Yuusuf, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Eng. Cali C/laahi Daahir, guddoomiye ku-xigeenka haayadda caymiska qaranka Somaliland Sahra Aadan Yuusuf, sharci-yaqaanno iyo masuuliyiin kale.
Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland oo si rasmi ah u daah-furay dhaqan galka xeerka bixinta liisamadda ganacsiga ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay helitaanka xeerkani.
Wasiir Saajin, waxa uu tilmaamay in uu markii hore jiray xeerka badeecaha oo keliya, balse maadaama oo uu wadanku horumar ku socda in aad loogu baahnaa xeerkani.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY