Dhalinyarro Ka Cabanaya Shaqooyin 6 Bilood Ka Hor Loo Balan Qaaday Oo Aanay Weli Helin

0
872
Hay'adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Saddex boqol oo dhalinyaro ah oo ay hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland lix bilood ka hor shaacisay in la shaqaalaysiinayo ayaan weli wax shaqo ah gelin mushaharna aan qaadan.

Dhalinayaradaasi oo ku guulaystay imtixaan shaqaalayn ah oo laga qaaday kadib in laga shaqaalaysiiyay wasaarradaha iyo hay’adda dawladda.

Tallaabadaasi oo qayb ka ahayd dedaallo shaqo abuur ahaa oo loo samaynayay dhamaanba dhalinayradda ku dhaqan goboladda Somaliland, ayaa  qaar ka mid ahaa dhalinayaradaasi la sheegay in la shaqaaleeyay ayaan weli shaqo gelin, wax mushahar ahna aan qaadan.

Mid ka mida dhalinayaradaas aan shaqo gelin mushaharna aan weli la siinin oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo BBC u waramay ayaa sheegay in aanay weli shaqo gelin, wax mushahar ahna aanay qaadan.

“Arrintaa markii aan shaacinteedda maqlay ayaad ayaan u soo dhaweeyay. Aad iyo aad-na waan ugu farxay. Imtixaankii waxaan ku galay magaaladda Burco, waanan ku guulaystay.

Maalintii ku xigtay intayadii soo baxday waxaa na loo sheegay in laga bilaabo maalintaas aanu shaqaale dawladeed nahay”ayuu yidhi wiilkaasi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Wixii nalagula balamay oo ahayd in aanu shaqo helno, oo aanu mushahar qaadano, ma hayno. Wasaarradihii loogu tallo galay in aanu ka hawl galno, ka maanaan shaqo gelin, si ay u dhacdayba. Waxaan odhan karaa dhalinyaradii 300 ahayd, ilaa 250 ka mida weli may shaqo gelin.  Konton qof ku dhawaad ayaa mushahar loo qoray oo shaqo galay”.

Dhinaca kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo isna ay BBC wax ka waydiisay arrintaasi ayaa ka jawaabay cabashadda dhalinayaradaasi.

 

Waxaanu yidhi “Anigu waxaan shaqadda imid, iyadoo 300 boqol ee dhalinyaradii guulaysteyaasha ahaa aanu weli midna ka shaqo gelin, oo hawshoodda lagu jiro. Mudadda aan joogay waxaan ku dedaalay in ay dhalinayaradaasi shaqo galaan.

Intoodii badnayd way shaqo galeen, marka laga reebo 35 xubnood oo liiska mushaharkoodii iyo qorshahoodiiba diyaar yahay. Laakiin, waxa jira liis 402 qof ah, oo cabasho ka timid, oo ay ku jiraan shaqaalihii wasaaradda caafimaadka oo la hakiyay, ayay ku dhex jiraan.

Cabashadaas hawsheedii waanu wadnaa oo imika ayaa la kala gurayaa, intaas ayaanay u xaniban yihiin, markay taasi dhamaato way shaqo gelayaan”.

Dhinaca kale qaar ka mida dhalinyaradan imtixaanka ku guulaystay ee aan weli shaqo gelin ayaa ku doodaya in wasaarradihii lagu qoray ay diideen in ay hawl geliyaan, balse guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa dooda caynkaasa sidan kaga jawaabay.

“Ma jirto wasaarad ama hay’ad diiday in la shaqo geliyo. Waa laga yaabaa in Wiilasha ama Gabdhaha meelaha qaarkood ay dareemaan in aan laga soo dhawaynin, taas darteed waa laga yaabaa in niyad jab ku dhaco.

Ma jirto wasaarad diiday, marka laga reebo wasaaradda warfaafinta oo 40-kii aanu ku qornay oo hay’adda shaqaaluhu doonayso in ay wasaarradaha kale u qaybiso, maadaama wasaaradda warfaafinta shaqaalaheedu aad u fara badan yahay, oo shaqaale culays ah ay saaran yihiin”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here