Dhalan-rogga Xafiiska Xeer-ilaalinta: Gabayga Mayal Ee Cabdiraxmaan Abees

0
1420
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) PHOTO FILE

Gabayga Mayal ee uu Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahin Aadan (Cabdiraxmaan Abees) tiriyay 11kii Jeneweri 2019ku waxa uu ka kooban yahay 66 sadar/meeris/tuduc. Waana ka sababay in gudaha la dhigo, taasna waxa marag u ah eedda ay xafiiska Xeer-ilaalintu soo gudbiyeen 16kii Feberweri 2019ka. Waxaanay cuskadeen farqado ka mid ah qodobka 269 ee Xeerka Ciqaabta Guud oo la sameeyay 1960nadii, kana soo horjeeda dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aan eeddan faallayn doonaa, aniga oo dhinaca gefka ay suugaanta ka galeen u eegaya. Dhanka sharciga waxa ka hadli doona garyaqaannada difaacaya Abwaanka.

Xeer-ilaalintu waxa ay gabayga u soo gudbiyeen hannaan luminaya micnihii iyo nuxurkii uu gabaygu lahaa. Waxaanay ugu horrayn ka boodeen sadarradii ararta ama hordhaca ahaa, kuwaas oo ahaa lix sadar. Quraanka waxa ku jirta aayad odhanaysa “Kuwa Ilaahay rumeeyayow ha u dhawaannina salaadda idinka oo maandoorsan (sikhraansan)”. Haddii la soo qaato inta hore ee ah “Kuwa Ilaahay rumeeyayow ha u dhawaannina salaadda”, miyaad sheegtay micnihii aayadda, mise gef ayaad gashay oo waad dhalan-geddiday, oo munaafaq baad noqonaysaa?. Xafiiska xeer-ilaalintu waxa uu gudbiyaa weedho uu dhalan-geddiyay oo uu macno-tiray.

Iyaga oo u soo faygaray si malluuqan oo aan kala saaraynnin hojiska iyo hooriska (qaybta hore iyo qaybta dambe ee gabayga), isla markaana aan toosin higaadda iyo hab-qoraalka, waxa ay eeddooda ka bilaabeen meerisyada 7aad illaa 13aad, kuwaas oo ah sidan soo socota:

Weligeedba Maandeeq rag baa, maala keligood
Muraadkoodu waxa uu fulaa, dhawr mataano ah
Mashaariicda waxa loo xidhaa, tuugo maal badane
Af-miishaarka mooyee nin kale, maydhax kama diiran
Macalluule shacabkii badnaa, haynna laga meeri
Danyaruhu masruufkii ma helo, maalin qudha wiige
Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, maandhow qarankeennu?

Waxa jira farqi u dhexeeya tixda iyo tiraabta. Shuruudaha tixda waxa ka mid ah “Tixda waa la xigtaa. Tiraabta se lama xigto”. Marka aad tix gudbinayso waxa daw/waajib ah inaad adeegsato ereyadii uu hal-abuurku ku dhisay maansadiisa, laakiin tiraabta waxa aad ku gudbin kartaa weedhaha aad doonto, waxa se muhiim ah in dulucda ama micnaha guud la fahmo.

Marka qodobkaas la eego, waxa ay xeer-ilaalintu eeddooda ku dareen meeriso guraangur ah oo ay meelo kala geddisan ka soo qaateen. Mar bilawga ayay waxoogaa ka garoocdeen, badhtanka ayay gudbeen, dhammaadka ayay u sii tallaabeen, haddana bilawgii ayay ku soo jiireeyeen. Meerisyo aan isku ujeeddo ahayn ayay meel ku kulmiyeen. Waxa kugu adkaanaya inaad nuxurkooda fahanto. Waxa aan odhan karaa waxa ay kufsadeen gabaygii Mayal, waxaanay meel kaga dhaceen xeerarkii tixda. Waxa aan abwaanka iyo ummadda ka raall-gelinayaa oo aan xaal ka siinayaa gabaygaas la fara-xumeeyay ee aabbihii lagu kuday.

Meerisyada labaad ee eedda ku jira waxa uu tirsigoodu kala yahay: 17, 18, 20, 21, 50, 54, 55, 15 iyo 16. Maxaa ka dhaxayn kara sadarradaas aan isku barta, ujeeddada iyo tirsiga ahayn? Ma wax aan is-qaban karin ayaa la is-qabadsiinayaa? Ma ujeeddadii gabayaaga ayaa la luminayaa?. Fool-xumada waxa aad mooddaa maryo-alool la isku tidcay oo kala midab ah (guduud, jaalle, bunni), waxaasi miyay caddaan noqon karaan?

Bal fahma saddaradaas aan is-qaban ee la isa saaray:

“Saldhigyada miyaad soo martood, aragtay muuqooda 17
Miyaad maqashay ceebaha dhex yaal, miiska taliskeenna 18
Wanjal laggu muraadsado xabsiga, dhiigga lagu miirto 20
Xadhig loo maleegiyo dembiga, loo macmalay Aadme 21
Middi soodh ah miishaar af badan, mudacyo fiiq fiiqan 50
Milgo darida musuqoo caddaan, loo mushahar qaato 54
Magafaa askari looga dhigay, mooggan shaqadiisa 55
Malahiisa siduu maaggan yahay, moodistiyo tiisa 15
Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin?” `16

Mar kale waxa ay xeer-ilaalintu oodda u rogeen gabaygii Mayal, sidii aan hore u sheegay ayay ka boodeen sadarrada qaarkood. Caynta iyo bayddiiba way jareen. Waxa ay soo dafeen meerisyada tirsigoodu yahay 32, 33 (34 waa laga booday), 35 (36 waa laga booday), 37, 38, 40 iyo 41. Maxaa ay samaynayaan ee micno ah meerisyadaas adhaxda la jaray ee la rifay?.. Waa ay googgooyeen oo garaaceen gabaygii Mayal.. Marka ay sidaas samayanayaan ma xeer-ilaalin baa mise waa xeer-dumin? Haddii aanu nahay hal-abuurka, waanu kala xisaabtami doonnaa murtida ay micno-tireen..

Waa kuwan meerisyada ay ummadda hor keeneen:
“Magli lala dul joogsaday haween, miirka laga qaaday 32
Madaxuu ku jiidiyo ushuu, ugu miciinaayay 33
Dable micidu dheertiyo manaxe, laaya maatida 35
Aragtida maqluubka ah siduu, ugu mushaaxaayay 37
Muusannowga gabadhaa ka dhacay, maare kale waaga 38
Miyir-beelka markay maahsanayd, maadda dhinaciisa 39
Labadaa marxaladood sawiro, muuqay bixinayso 40
Bal miliilic adigoo arkoo, taagan madashaasi”41

Waxa aan xasuustay 2013kii mar nin gabayaa ah loo xidhay gabay uu tiriyay. Iyada oo dacwadda la dheaysanayo ayay kolba haweenay xeer-ilaalin ahi tidhaahdaa “Walaal, tuducaa noo fasir? Maxaad halkaas uga jeeddaa?”. Waxa ay ahayd, haddiiba laga maarmi waayay in maanso la isku xidho, in loo xilsaaro eeddeeda qof aqoon u leh suugaanta iyo maansada Soomaalida, kaas oo kala saari kara wixii daw ah iyo wixii deelqaaf ah?

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here