Dhageysiga dacwada Badda ee u Dhexeysa Kenya iyo Somalia oo Maanta ka billaabatay The Hague

0
942

HAGUE, (HargeisaPress) —Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Qaramada Midoobay oo uu fadhigeedu yahay Magaalaada Hague ee Waddanka Netherlands, ayaa billowday dhageysiga Dacwad ku saabsan muranka Soohdinta Bad-weynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

Dhagaysiga Dacwaddaan, ayaa khuseeya Diidmo ka timid Dhinaca Dowladda Kenya oo ku doodeysa in Maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan. Balse Dowladda Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay Maxkmadda sanadkii 2014-kii oo ah Waax Garsoor oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

 

Waddamada Somalia iyo Kenya, waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed cabirkiisu yahay 142,000-km, Sidaas darteed Somalia, ayaa ka dalbatay maxkamadu inay u xadeyso xaduudda badeedda labada waddan si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

 

Laakiinse, Xukuumadda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda caalamiga ah u leedahay inay qaado dacwada oo ay sheegtay inay ka baxsantahay Xeer-xeyn-daabkeeda. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai – ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah aysan u oolin xalinta khilaafkan maadama ay labada dal ay Sannaddii 2009-kii ku heshiiyeen in murankan ay ku xaliyaan wada xaajood.

 

Sidoo kale, Maxkamada ayaa xustay in todobaadkaan ay dhageysan doonto doodda Kenya ay ku diidan tahay in maxkmaddu ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay; iyadoo Xukuumadda Somalia fursad loo siin doono in ay Jawaab-celin ka bixiso doodda Kenya. Waxaana Dhageysiga dacwaddan oo ah laba Toddobaad lasoo gaba-gabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here