Dhagaysiga Dacwada Col. Tuke Oo Lasoo Gabo Gabeeyay Iyo Xukun Culus Oo Lagu Riday.

0
958

Hargeysa,HargeisaPress)—Maxkamada ku taala dalka Maraykanka ee gacanta ku haysay Dhagaysiga dacwada Col Yuusuf Tuke, oo ku eedaysnaa danbiyo iyo tacadii uu kula kacay dad rayid ayaa lasoo gabo gabeeyay. taasi oo xukun culus ku riday col Tuke oo kamid ayaa saraakiishii Dawladii siyaad bare ee Xasuuqa iyo tacadiga ba,an ka gaystay dhulka somaliland.

Dhagaysiga Dacwadan ka socotay Magaalada Vergina ee dalka Maraykanka, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Qaarkamida dadkii tacadiga ugaystay iyada oo ku dhawaaqay xukunka col Tuke iyadoo Dhanka kalena  u  Aqoonsatay in uu yahay Dambiile dagaal oo taasi uu ku xunkuntay cadadka lacag dhan 500000kun dollar.

Wararka soo baxaya Xukun Col yuusuf Tuke oo xasuuq ka gaystay somaliland gaar ahaan deegaanka gabiley ee Jamhuuriyada Somaliland Farxaan Warfaa oo kamida dadkii uu tacadiga ugaystay isla markaa goob joog ka ahaa dhagaysiga xukunkan ayaa maxkamadu u xukuntay in lasiiyo magdhow dhan 500000.

Sidoo kale Col Tuke ayaa loo aqoonsatay in uu yahay dambiile dagaal waxaana la filayaa maalmaha soo socda ay talaabo ka qaado dawlada maraykanku Dhagaysiga dacwadan ayaa mudo soo socotay iyadoo Ka kala dhacday wadamada Jabuuti iyo Maraykanka oo wakhtigan lagu soo gabo gabeeyay.

Talaabadan ayaa guul wayn u noqonaysa guud ahaan dadka reer somaliland waxa kale oo arintani horseedi doontaa in meelkasta oo ay caalamka ka joogaan saraakiishii dawladii siyaad bare lasoo taago maxkamad.

 

LEAVE A REPLY