Dhacdo Ugub ah: Ilmo Yar oo Laga Shaqaalaysiiyey Ciidanka Dab-damiska Somaliland

0
1031

Hargeysa,(HargeisaPress) –Inan yar oo lagu magacaabo Ayaan-Badan oo maalintii ay afartan-baxday la go’aamiyey inay ka mid noqoto Ciidanka Dab-damiska, lana siiyo gunno la mid ah ta ay helaan xubnaha ciidanku

Inan yar oo magaceeda la yidhaahdo Ayaan-Badan, isla markaana jirta 56 maalmood oo qudha ama aanay weli da’deedu gaadhin laba bilood, ayaa ka mid noqotay xubnaha Ciidanka Dab-damiska dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Degmada Hargeysa, tallaabadaas oo ugub ku ah ah Somaliland.

Ciidanka Dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa inantan yar ka soo saaray musqul dhererkeedu yahay 10 mitir oo ku taalay guri ku yaal Xaafadda October ee Degmada Axmed-dhagax ee Caasimadda Hargeysa taariikhdu markii ay ahayd 15 May 2019, taasoo la tuhunsan yahay inay ku riday hooyadii dhashay, iyadoo isla markiiba loola soo cararay dhinaca Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Haddaba, inanta yar oo loo bixiyey Ayaan-Badan, waxa lagu hayey, laguna xannaaneeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaanna xafladdii afartan-baxeeda loogu qabtay isla Cusbitaalka Hargeysa, iyadoo caafimaad ahaan iyo jidh ahaanba aad u fiican, halka sidoo kale la isla qaatay in inantaas yar lagu daro Ciidanka Dab-damiska.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa qoraal uu ku faafiyey facebook-giisa dhawaan oo uu wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, waxa uu ku caddeeyey in ilmahan yar la geeyey Xarunta Agoomaha Hargeysa oo lagu hayn doono ilaa inta ay ka korayso, iyadoo yeelan doonta lacagaha gunnooyinka ah ee ay qaataan xubnaha Dab-damisku.

“Waxa aan maanta ku soo saaray digreeto Maayor in Ayaan-Badan ay noqoto xubin ka mid ah Ciidanka Dab-damiska, lehna gunnada Dab-damiska, laguna wareejiyo Xarunta Agoomaha inta ay weynaanayso,” ayuu yidhi Maayirka Hargeysa.

Dhinaca kale, qoraal ka soo baxay Ciidanka Dab-damiska Somaliland, ayaa lagaga hadlay xaaladda inanta yar ee Ayaan-Badan oo xafladdii afartan-baxeeda lagu qabtay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Waxaa Ilaahay Mahaddii ah in Ciidanka Dab-damiska uu ku guuleeyay inay ka soo samo-tabixiyaaan Ilmo yar oo muddo imminka laga joogo afartan maalmood ay ka soo saareen musqul hooyadeed ku tuurtay oo yaalla Xaafadda October ee Magaalada Hargeysa. Ciidanka oo adeegsanaya xirfadda samo-tabixinta ayaa ilmaha yar ka soo saaray godka iyadoo nool, isla markaana caafimaad qabta, waxaanay intaas ka dib ciidanku ku wareejiyeen Cusbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa oo la wareegay daryeelka iyo xannaanaynta ilmaha yar.

Runtii Maamulka iyo Hawlwadeenada caafimaadka ee Cusbitaalka weyn waxay xil weyn iska saareen daryeelka iyo xannaaneynta Ilmaha yar, iyadoo muddadaas cusbitaalka lagu hayay heshay daryeel aad iyo aad u heer sareeya, markastana laga war-hayay xaaladeeda caafimaad. Sidoo kale waxaa markii laga soo saaray cusbitaalka maalmo kadib loo bixiyay magaca Ayaan-Badan, taasoo loogu bixiyay nasiibka ay lahayd iyo halkaas (musqusha) Ilaahay ka soo saaray.

Maamulka Ciidanka Dab-damiska iyo Waaxda Caafimaadka ee Ciidanka Dab-damiska oo ay ugu horeeyaan Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Dab-damiska iyo Ku-xigeenkiisuba, ayaa iyaguna muddadaas cusbitaalka ay ku jirtay ka warhayay xaaladeeda caafimaad, kuwaasoo si aad ah uga warhayey xaaladda ilamaha yar.

Maanta Ayaan-Badan waa afartan-baxday iyadoo caafimaad qabta, waana Ilaahay mahaddii, sidoo kale waxaa iyaguna mahad iska leh Hay’adda dowladeed ee kaalmada ka geystay samo-tabixinteeda iyo badbaadadeeda iyo cid kasta oo kaalin ka geystay nolosha iyo caafimaadka ilmahan yar,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

 

 Tafaftiraha Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Ciro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here