DEG DEG: Xukuumadda Somaliland oo Joojisay Bandhig Suugaaneed Abwaan Weedhsame Ku Qaban Lahaa Berbera

0
1328

Berbera (Hargeisa Press)- Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaan in Xukuumadda Somaliland ay gabi ahaanba joojisay bandhig suugaaneed uu caawa magaalada Berbera ku qaban lahaa Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame).

Waxaana Wararku intaasi ku dareen in Joojinta Badhigan iyo cida amarka bixisayba ay tahay Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo la sheegay in isagu ka hor istaagay Abwaanka inuu ku qabto bandhig suugaaneedka.

Ma cada ilaa hadda sababta keentay in bandhigan oo maalmahanba ay sugayeen shacabka magaalada Berbera sababa loo baajiyey iyo arrinta keentay in Abwaanka laga Hor istaago hoolka dawlada Hoose oo uu ku qabanayey Bandhiga.

Sidoo kale, Abwaan Weedhsame oo ku suganaa goobta ayaa warkan u xaqiijiyay Shabakada Hargeisa Press, oo la xidhiidhay, isagoona sheegay in laga horjoogsaday qabsoosimda munaasabadda.

Maamulka gobolka Saaxil iyo Laamaha Amniga ayaa ilaa iyo hada war ka soo saarin sababta loo joojiyay bandhig suugaaneedka Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame.

Dhinaca kale, Abwaan Weedhsame ayaa goordhawayd dib ugu soo laabtay isla Caawa magaalda Hargeisa, kadib markii laga hor istaagay bandhig suugaaneedkii u qaban lahaa.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Shabakada Hargeisa Press.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here