DEG DEG: Dagaal iyo Dibadbaxyo Ka Socda Ceerigaabo+Xaalada oo Kacsan

0
714

Ceerigaabo (Hargeisapress) – Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Kornayl Caarre uu haatan ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Kooxdan Kornayl Caare ayay wararku sheegayaan inay doonayeen inay galaan Buurta Daalo oo halkaasi ay ka samaystaan saldhigyo iyo dhufayso.

Ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay iskaga horyimaadeen ciidamada Somaliland iyo kooxda uu hogaamiyo Kornayl Caarre, ayaa la sheegayaa dhimashada hal qof.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka 

LEAVE A REPLY