Debaal-degyo Waa Weyn oo Caawa Ka Socda Magaalada Hargeysa

0
1662

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland caawa ka socda debaal-dagyo waa weyn oo loogu diyaar garoobayo xuska maalinta gooni isku taaga Somaliland ee 18 May oo maalinta barito ah oo Arbaca ah ku beegan.

Dadweyne aad u tiro badan, ayaa ku dabaashaadaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Hargeysa, iyaga oo ruxaya calanka Somaliland, islamarkaana ku dhawaaqaya erayo ay ka mid yihiin Somaliland ha noolaato.

Sidoo kale, meheradii ganacsiga, ayaa dhamaan laga wada lulay calanka Somaaliland oo laga sameeyay marooyin weyn oo meel fog kaaga muuqanaya, taasina waxay si qurxisay magaaladda dhexdeedii, waxa kale oo iyaguna cidhiidhi noqday wadooyinkii gaadiidku marayeen.

Dad aad u tiro badan oo magaalada Hargeysa isugu soo baxay, ayaa la arkayaa, mana jirto ruux ka soo hadhay damaashaadka loogu diyaar-garoobayo xuska munaasibada 18 May ee berito.

Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Waxaana ay maalintani ku timid ka dib dedaal badan iyo hiigsi badan oo loo maray horumarinta wadanka, ayaa sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalo madaxda labaad ee Burco waxa ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadeedii luntay 1960-kii oo ay la midoobeen Somalia inteeda kale ay dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyada oo ay halkaasi ku luntay rajadii ay dadka reer Somaliland wakhtiga badan ku taamayeen oo ahayd in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.

LEAVE A REPLY