DDS Itoobiya Oo Laga Mamnuucay Boodhadhka Ku Qoran Luuqadaha Shisheeye

0
861

Jig-jiga (HP): Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba la tir-tirro Boodhadhka meheradaha ganacsi ee ay ku qoran yihiin Afafka qalaad ee aan Soomaaliga ahayn.

Waxaana lagu amray in muddo 45 maalmood gudahood ah lagu bedelo dhamaanba magaalooyinka deegaanka Soomaalida Itoobiya magacyadda luuqadaha qalaad ee ay meheraduhu ku qorteen.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban uu bartiisa Facebook  ee Internet-ka soo dhigay Mustafe Maxamed Cumar.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya qoraalkiisa kuma sheegin sababta keentay in bulshadda lagu amrro in magacyadda afafka aan Soomaaliga ahayn la bedelo, hase yesshee waxa uu xusay in go’aankaasi ay xukuumadu isla qaadatay.

“Waxay xukuumadu isla qaadatay, iyadoo kaashanaysa xafiiska warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska deegaanka.

In go’aan adag laga soo saaray boodhadhka lagu dhejiyay meheradaha iyo suuqyadda, dhamaanba deegaanka Soomaalida”.

Geesta kale madaxweyne Cagjar, waxa uu sheegay in loo ogol yahay in meheradaha ganacsiga deegaanku ay gudaha ku qoran karaan boodhadh ku qoran luuqado kale, balse kuwa banaanka aan loo ogolayn.

“Cid kasta oo horay ugu qoratay afaf qalaad boodhadhka goobahoodda, in loo mudeeyay muddo 45 cisho ah in ay ku bedelaan, isla markaana ay ku qoraan Afka Soomaaliga ayna ka dhigaan luuqadda koowaad.

Sidoo kale cid kastaa goobteedda waa u xor in hoosta ay ku qoran karaan Afafka kale. Laakiin, Afka Soomaaligu yahay 1aad” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Dhinaca kale guud ahaanba magaalooyinka dhulka Soomaalidu degto ayaa meheradaha, shirkadaha ganacsiga, wasaarradaha, xafiisyadda dawladaha iyo maamuladda waxay caan ku yihiin in boodhadhkoodda ay ku qortaan luuqado shisheeye oo aan Soomaali ahayn.

Sida Af Ingiriisi, Carabi, Talyaani, Faransiisa, Xabashi, iyo xataa afafka Turkiga iyo kuwo kale oo sanadahn danbe soo kordhay.

Taasoo marar badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen abwaaniinta iyo dadka arrimaha dhaqanka ka shaqeeya, kuwaasoo ku doodda in ay qalad tahay in magaalooyin Soomaaliyeed meheradaha ganacsiga boodhadhkooda lagu qoro luuqado shisheeye.

Waxaana lagu tilmaamaa in arrintaasi ay tahay mid ka dhalatay ama la xidhiidha Raadadkii gumaysteyaasha iyo in bulshadda Soomaalidu ay noqdeen dad aan tixgelinaynin afkoodda hooyo.

Tallaabadan uu shaaciyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay dhabaha u xaadho in arrintaasi wax laga bedello.

SAWIRRADAN HOOSE WAXAA 8 SANADOOD KA HOR MAGAALADDA HARGAYSA KA SOO QAADAY AXMED CALI WACAYS, OO KA TIRSAN WASAARADDA WARFAAFINTA SOMALILAND:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY