“Dawladu Waa inay Joojiso xadhiga iyo Cabsi Gelinta suxufiyiinta” guddoomiyaha SOMA

0
484

Hargaysa(HP): Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa cambaareeyey Xadhiga uu Maayirka Magaalada Boorame Saleebaan Xadi uu Afarta Suxufi shalay (sabtidii) Xabsiga u taxaabey, isla markaana ugu baaqay inuu si deg-dega xorriyadiisi ugu soo celiyo.

Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee SOMA waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Weriyayaasha Somaliland oo marba marka ka sii danbeysa sii badanaya

Sidaa waxa uu Mustafe-Janaale ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo shabakada Hayaannews heshay nuqul kamida ,waxaanu u dhignaa sidan:

“Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Saxaafadda Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe-Janaale ayaa waxaan cambaareynayaa xadhiga sharci-darada ah ee Maayarka Magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi kula kacay afarta suxufi ee ay magacyadoodu kala yihiin Cabdilaahi Daahir Wacays oo ka hawlgalayay Telefiishanka SAAB TV, Axmed Diiriye Ciil-tire oo ka hawlgala Telefiishanka SBC, Shucayb Maxamed Kaahin oo ka hawlgala Telefiishanka Bulsho TV, iyo Xuseen Caateeye oo ka hawlgala Telefiishanka Universal TV, oo shalay oo ay taariikhdu ahayd 16/1/2021 uu xabsiga u taxaabay.

Xadhigan Suxufiyiintan ayaa ah sharci-daro maadama aan loo marin sifo sharciya, taasina waxay ka hor imanaysa xorriyatul-qawlkii, waxaanay u muuqataa inay xukuumadda Madxweyne BIIXI caaddeysatay xadhiga, cabudhinta, cago-jugleynta ay ku hayso suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda gudanaya, waanan ka xumahay in suxufi aan danbi lagu heynin lagu xidho qaab aan sharciga waafaqsanayn”.

Sidaa daradeed waxaan ugu baaqaya Maayarka Magaalada Boorame  Saleeban Xasan Xadi, inuu si deg-dega xorriyadoodii ugu soo celiso Afartan Suxufi oo sifo sharci-daro ah xabsiga loogu taxaabay, Xadhiga suxufiyiinta ee soo noq-noqday wuxuu saameyn xun ku leeyahay madax-banaanida war-baahinta iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland.

Xukuumadda Madaxweyne-Biixi ayaa waxay caan ku noqotay kala qeybinta iyo burburinta Saxaafadda madaxa-banaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY