Dawladda Itoobiya oo La Sheegay Inay Bedeshay Danjirihii U Joogay Hargeysa

0
874

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bedeshay safiirkii u joogay caasimadda Somaliland ee Hageysa danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya ku xaqiijisay bedelaada diblomaasigan, laakiin warar xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in diblomaasigan oo muddo 2 bilood ah ka maqan shaqada xafiiskiisa Hargeysa la bedelay, waxaanay wararku sheegeen in la diyaariyay danjira cusub ee Itoobiya u qaabilsanaan doona Hargeysa, kaas oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Somaliland.

Shaqada xafiiska Itoobiya ee Hargeysa ayaa la sheegay inay si caadi ah u socoto, waxaana sii wada diblomaasi kale oo ku xigeen u ahaa danjire Shamsudiin.

Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkan la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa.

Danjire Shamsudiin ayaa ka mid ah khubarada wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaanu hore safiir uga soo noqday dalalka Djibouti iyo Kenya.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY