Dawladda Ingiriiska Oo Taageertay In Dalalka Jaarku Safka Hore Ka Galaan Dhexdhexaadinta Somaliland Iyo Soomaaliya

0
1009
Amb Ben Fender

Dalal iyo Ururo Ayaa Hab Is-barbar Yaac Ah Ugu Loolamaya Hirgelinta Wada Hadallada Somaliland & Soomaaliya Iyo Sidii Ay U Kulmi Lahaayeen Madaxweyne Biixi Iyo Farmaajo

Hargeysa(HargeisaPress)-Dawladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyay in ay kor u qaaday xidhiidhka ay Somaliland la leedahay maaddaama oo ay dhawaan Somaliland yimaaddeen masuuliyiin sare oo wasiirka Gaashaandhigga UK ka mid yahay ayaa sheegtay in aanay waxba iska bedelin halka ay Somaliland ka taagnayd, islamarkaana ay arrinta Somaliland u daynayso dalalka la deriska ah iyo wada hadallada Muqdisho iyo Hargeysa.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Amb Ben Fender ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay arrin u taalla Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay ka dhur-sugayaan wada hadallada iyo waxa ay ka yeelaan waddamada derisku.

Danjiraha cusub ee Ingiriiska oo telefishanka Goobjoog waraysi siinayay ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifka Ingiriiska ee ku aaddan Somaliland “Waxaan ogahay in aanay waxba iska bedellin mawqifkayaga Somaliland, Ingiriiskuna ma aqoonsana gooni isu taagga Somaliland ku dhawaaqday umana aragto dal madax bannaan,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Fender.

Danjiraha cusub ayaa intaasi raaciyay in ay arrinta Somaliland iyo Somalia u daba fadhiisanayaan dalalka deriska, islamarkaana soo dhaweynayaan wada hadallo dhexmara madaxweyne Biixi iyo Farmaajo “Arrinta Somaliland waxay u taalla in ay go’aan ka gaadhan Soomaaliya iyo Somaliland mana aha mid u taalla Ingiriiska oo kale, run ahaantiina waa in ay door ku yeeshaan waddamada gobolku, islamarkaana ay aqoonsadaan natiijada ka soo baxda anaguna waxaanu soo dhaweynayna horumar kasta oo arrintan laga gaadho iyo weliba xidhiidh kasta oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Ben Fender.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa dhawaan markii ay kulmeen madaxweyne Muuse Biixi waxa uu daneeyay in uu door ku yeesho wada hadallada labada dhinac waxaana hore arrintan u danaynayay dawladda Jabuuti oo door bidaysay in kulanka Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo lagu qabto Jabuuti haddii laga midho dhalliyo dadaallada lagu doonayo in la kulan-siiyo.

Geesta kale ururka ka shaqeeya xallinta khilaafaadka ee Center For Humantarian Dialogue ayaa ku hawlan dadaallo uu isugu soo dhaweynayo madaxweyne Biixi iyo Farmaajo waxaana la sheegay in uu kulan wada hadallada gogol xaadh u ah todobaadkan ku qabtay Nairobi kaas oo ay ka qayb galeen ururo bulsho oo Somaliland iyo Somalia ka kala socday kuwaas oo la doonayo in ay qayb ka qaataan gogol xaadhka iyo wacyigelinta bulshada ee suuro gelinta wada hadallada.

Dawladda Turkiga ayaa sidoo kale u xusul duuban sidii ay mar kale u hagi lahayd wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho. Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan warbaahinta iyo dawladda Turkiga uga xog warramay arrimaha ka socda Geeska ayaa sheegay in ay muhiim gobolka u tahay haddii Turkigu dhammeeyo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya.

Waaberi

 

LEAVE A REPLY