Dawladda Ingiriiska Oo Deeq Waxbarasho Siinayso Ardayda Somaliland

0
1247
Mr. Stuart Brown, the new UK Rep in Somaliland

Hargeysa ,(HargeisaPress) — Dawladda  Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka  go’an tahay taageerida horumarka dhalinyarada Somaliland,  gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Khudbad uu Wakiilka xafiiska UK ku leedahay Somaliland Mr. Stuart Brown ka jeediyey shirweynahii dhalinyarada Somaliland ee dhawaan lagu qabtay magaalada Hargeysa  wuxuu ku sheegay in iyadoo ay hore dawladda Britain u taageeri jirtay waxbarashadda Somaliland in hadana ay imika sii xoojinayso.

“Xukuumada Ingiriisku waxay taageero ka gaysataa dhinaca waxbarashada goboladda  Sool iyo Sanaag, oo loo soo mariyo sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF).  Annagoo si dhaw ula shaqayna wasaaradda waxbarashada Somaliland,  una fududayna helitaanka fursado waxbarasho dhalinyarada la’aanteed taageeradan aan fursado waxbarasho u suurtowdeen”ayuu yidhi Mr. Brown.

Mr. Brown,  ayaa sidoo kale shaaciyay inuu bisha dambe xafiiskiisu bilaabayo imtixaan loo gelayo deeqo waxbarasho oo jaamacadaha UK bilaabi doonaan.

Waxaanu yidhi, “Sidoo kale, xukuumada Ingiriisku sannad walba waxay qabataa fursado deeqo waxbarasho lagu siinayo ardayda Somaliland.

Waxaanan rejaynayaa in aan bisha dambe imtixaan ka qaadno ardayda nasiibka u yeelata deeqahaa waxbarasho.

Waxaanan  u rejaynayaa nasiib wanaagsan dhamaan inta ka qayb qaadan doonta imtixaanka”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY