Dawladda Ingiriiska oo Dabada ka Riixaysa Sharci Taageerayaasha u Suurto-gelinaya Aayo ka Tashiga Kooxohooda

0
1489

HargeisaPress — Dawladda Ingiriiska, ayaa dabada ka riixaysa sharci taageerayaasha kooxaha kala duwan ee horyaalka u ogolaanaya inay door weyn ku yeeshaan go’aan ka gaadhista mustaqbalka kooxaha ay taageeraan.

Wasiirka ciyaaraha Miss ee Helen Grant, ayaa sheegtay inay wadaan qorshe taageerayaasha u ogolaanaya inay xubno kooto ah ku yeeshaan guddida fullinta si ay go’aan uga gaadhi karaan qaraar kasta oo la qaadanayo.

“Mulkiilayaasha, fullinta iyo tababareyaashuba kooxda way iskaga tegi karaan, laakiin taageerayaashu waa dhiiga naadiga, sidaa darteed waa inay door firfircoon ku yeeshaan naadiyada,” ayay tidhi Helen Grant.

14 kooxood oo keliya ayaa u ogolaaday inay taageerayaasha inay saami ku yeeshaa guddida fullinta, kuwaasoo ay naadiyada heerka 1-aad kaga jirto Swansea oo oo keliya oo jamaahiirteeda siisay 20% aayo ka talinta mustaqbalka kooxda.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY