Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Bilawday Dhismaha Buundo Muhiim ah

0
418

Laascaanood (HP): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa maanta ka fulisay xaafadda magaaladaasi ka mid ah qorshe waddo banayn ah oo laga fuliyay Toga Far-xaskule ee isku xidha xaafada New Laascaanood iyo magalada inteeda kale.
Sidoo kale waxay dawlada hoose ee Laascaanood isla saaka oo Sabti ah banaysay Waddooyin si sharci daro ah loo xidhay oo ku yaala xaafada New Laascaanood ee degmo hoosaadka Wadda jir.


Hawl-galadan Waddo banaynta iyo hirgelinta dhismaha Buundadda Toga Far-xaskule, waxaa hogaaminayay maayar ku-xigeenka Laascaanood ahna ku-simaha maayarka Axmed Kawte.
Waxaana maayar ku-xigeenka ku wehelinayay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood, xubno ka mid ah golaha deegaanka Laascaanood, Injiineerradda dawladda hoose ee Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Maayar ku xigeenka degmada Laascaanood Axmed Kawte, oo ka hadlay hawl-galkaasi ay maanta fuliyeen ayaa sheegay in ay bilaabeen dhismaha Buundo hal-bawle ah.


Axmed Kawte, ayaa ugu baaqay bulshadda reer Laascaanood in ay ku tashadaan dawlada hoose, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha Buundadani oo hal-bawle u ah dadweynaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here