Dawladda Hoose Ee Hargaysa Oo Maanta Fulisay Olole Nadaafadeed

0
423

Hargaysa (HP): Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta waaxyaha iyo xaafadaha caasimadda ka fulisay olole nadaafadeed oo lagu nadiifinayo goobaha qashinka qubka ah.
Waxaana ololahaasi nadaafadeed hoggaaminaayay maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, iyo maayar ku-xigeenkiisa Khadar Axmed Cumar.
Maayar Mooge, ayaa sheegay in ololahan uu qayb ka yahay dedaallada ay doonayaan in lagu nadiifiyo guud ahaan caasimadda.
Isagoo na ugu baaqay bulshada Somaliland inay wax ka baddalaan dhaqankood ah in bahacaha iyo caagadaha ay ku tuuraan goobaha caamka ah, gaar ahaan waddooyinka iyo jidadka.

Geesta kale, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka caasimadda Hargeysa ayaa iyaguna ololahani kala qayb qaatay waaxaha caasimadda, iyadoona ay kala qayb galeen dadweynaha aad u tiro badan.
Goobaha laga fuliyay ololahan nadaafadeed ayaa waxa ka mid ah dooxa weyn ee Hargeysa iyo goobaha kale ee qashin qubka ah ee degmooyinka caasimadda.
DAAWO: Maayarka Hargaysa Oo Ka Hadlaya Ololahani Nadaafadeed Ee Ay Fuliyeen:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here