D/H Ee Burco Oo Bilawday Dhismaha Wadadda Iska Xidha Xaafadaha Manhal iyo Qasabka

0
1036

Burco (Hargeisa Press.com): Dawladda hoose ee degmadda Burco ayaa bilawday dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo Waddada isku xidha xaafadaha Manhal iyo Qasabka ee magaaladda Burco, taasoo ay maritaankeedda dhib ku qabeen gaadiidka iyo bulshadda labadaas xaafadood.

Jidkan isku xidhaya xaafadaha Manhal iyo Qasabka ee magaaladda Burco, oo dhererkiisu dhan yahay 300 oo Mitir, waxaa waxaa maalgelinaysa dawladda hoose ee Burco. Waxaanu qorshuhu yahay in laga dhigo Laami.

Waddadan oo dhismaheedu socdo ayaa waxa maanta kormeer qiimayn ah sida hawluhu uga socdaan ku soo maray xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), iyo xildhibaan Axmed Maxamed Af-yare, oo labadooduba ka tirsan golaha degaanka Burco.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi, oo warbaahinta uga warbixinayay kormeerkaasi ay ku tegeen dhismaha wadadaasi ayaa tilmaamay in jidkaasi oo bur-bursanaa ay dib-u-habeeyeen, isla markaana ka dhigayaan Laami.

Waxaanu dadweynaha labadda xaafadood ee Manhal iyo Qasabka ka codsaday in ay wadooyinka ilaashadaan. Waxaanu yidhi “Waddadan aan joogna  waa wadadda xaafadda Manhal, waxaanay ka mid tahay Wadooyinka aanu dhisaynay.

Wixii bur-bursanaa waanu samaynay. Waxaan leeyahay dadweynaha xaafadda waa in aad waddooyinka ilaashataan. Waana in  aad biyaha ka ilaalisaan, xashiishka ka ilaalisaan, oo nala shaqeeya, oo  cashuurta bixiya.”

Xildhibaan Bidhi, waxa uu sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay u qorshaysan tahay in ay dayactiraan wixii wadooyin ah ee bur-bursan, isla markaana ay dhisaan kuwo cusub maadaama ay magaaladu aad u fiday.

“Anaga (dawladda hoose), waxaa noo qorshaysan maadaama ay magaaladii balaadhatay oo ay fiday, wadooyinkii hore wixii bur-bursana aanu samayno, wadooyin cusub-na aanu dhisno.

Waan u mahad naqaynaa dadweynaha xaafadda iyo guud ahaanba dadweynaha reer Burco oo meel walba nagala shaqeeyay iyo shaqaalaha dawladda hoose ee wakhtigaa aad aragtaan shaqaynaya”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarik Bidhi.

Sidoo kale xildhibaan Axmed Af-yare, oo isna halkaas ka hadlay ayaa bulshadda xaafadda Manhal ugu baaqay in ilaashadaan wixii dhibaato gaadhsiinaya, isagoona xusay in shaqaalaha dawladda hoose ee Burco iyo dadweynaha xaafadahaasiba ay wada shaqaynayaan dhismaha Waddooyinkaasi.

Xildhibaan Af-yare, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waddadan hawsheedu si fiican ayay u socotaa. Shaqaalihii dawladda hoose iyo kuwa xaafadahan ba way ka qayb qaadanayaan, labadoodaba waan u mahad celinaynaa. Waddadan oo ah ta Manhal, wixii kab-kab ahaa ee ay u baahnayd waa loo sameeyay.

Dadweynaha-na waxaan ugu baaqayaa in ay waxyaabaha waxyeeladda gaadhsiinaya Waddan ka ilaaliyaan”.

Geesta kale  dawladda hoose ee Burco ayaa mudooyinkan si weyn wax uga qabatay dhinaca wadooyinka.  Waxaanay dhawaan dhamaystireen jidka xaafadda Plaza ee magaaladda Burco iyo wadooyin kale.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here