Dawladda Hoose Ee Burco Oo Banaysay Wadooyin Uu Xidhay Geedka Garanwaaga

0
896

Burco (Hargeisa Press.com): Dawladda hoose ee degmadda Burco ayaa maanta xaafado ka mida magaaladda waxay ka fulisay olole lagu jarayay geedka Garanwaaga oo xidhay wadooyin iyo isku socodka xaafadaha qaarkood.

Geedka Garanwaaga ee xidhay wadooyinka ayaa waxa uu dhibaato ku hayay bulshadda  ku nool xaafadahaasi. Waxaanay banaynta wadooyinkaasi uu xidhay Garanwaagu u adeegsatay dawladda hoose ee Burco Cagaf-cagafyo.

Sidoo dawladda hoose ee Burco waxay baneeyeen waddo isku xidhi doonta xaafadaha Tallawga iyo Sariibadda cusub ee loo rarray halkii ay ahaan jirtay Xero-dhiigtii hore ee Burco.

Hawl-galkan lagu banaynayay jidadkan uu xidhay Garanwaagu waxaa hor kacayay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo xubinta ugu fir-fircoon ee sida weyn mar kasta uga dhex muuqda golaha degaanka Burco.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo ka warbixinayay hawl-galkan ay ku  jarayeen geedka Garanwaaga iyo jidadka cusub ee ay baneeyeen ayaa tilmaamay in ay hawl-galkaasi ku hagaajiyeen dhamaanba meelihii xidhnaa, isla markaana ay wadooyin kaloo cusub ka dhex sameeyeen xaafadaha qaarkood.

Isagoo ka warbixinayay hawl-galkaasi iyo kuwa ay yihiin meelaha ay baneeyeen  waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay dawladda hoose Burco, waxaanu ku gudo jirnaa hawl-maalmeedkii caadiga ahaa ee aanu ugu adeegaynay bulshadda magaaladda Burco. Saaka  waxaanu banaynay meello badan oo uu xidhay geedka Garanwaagu.

Waxaana ka mida meelaha aanu banaynay waddada ka timaadda hudheelka Plaza, ee tagta dhakhtarka weyn ee Burco. Halkan aan imika joognaa waa inta u dhaxaysa xaafadaha Nasteexo iyo Mahuraan, halkaasoo ahayd meel uu xidhay Garanwaagu.

Saaka ayaanu banaynay waddadan, markii hore la isma arki jirin, oo dadku dhib ayay ku qabeen, shilal badan oo gaadiid ayaana ka dhici jirin, Garnwaaga qariyay darteed”.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxa kaloo aanu saaka waddo cusub ka banayay oo aanu doonaynayo in ay hudheelka City Plaza soo gasho.

Wadaddii kale ee Haleeya oo iyadna aad loogu cadib-naa, oo dadka degan ay cabasho nooga timid ayaanu banaynay. Gebagebadii waxaan ugu baaqayaa  bulshadda Burco in ay cashuurta bixiyaan”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Dhinaca kale xildhibaan Bidhi, waxa uu fariin u diray dadweynaha ku ganacsatadda meelaha aan ahayn Sariibadda, isla markaana ay yimaadaan halka ay dawladda hoose ka dhistay Sariibadda cusub oo ah meeshii ay markii hore ahaan jirtay Xero-dhiigta Burco.

Waxaanu  ugu baaqay dadka  in ay yimaadaan Sariibadda cusub ee la dhisay, iyadoo weliba ay diyaar u yihiin Basaskii geyn lahaa kana soo qaadi lahaa oo ay hore dadweynuhu uga codsadeen dawladda hoose in ay u keento.

Xildhibaan Bidhi, oo fariintaas dirayayna waxa uu yidhi  “Waxaan si gaara fariin ugu dirayaa anigoo fursadan ka faa’iidaysanaya, waxaan fariin u dirayaa dadweynaha. Suuqa cusub oo laga dhisay Xero-dhiigtii hore ah, oo aanu Tawali ka soo rarrnay, waxaad moodaa dad badani in aanay joogin oo ay meelo kale ku ganacsanayaan.

Anagu ka dawlad hoose ahaan wixii nalaga codsaday oo ahayd Basas ay dadku raacaan in aanu keeno, waanu keenay oo Basaskii way joogaan.

Markaa waxaanu ka codsanaynaa dadka aan soo degin Sariibadda cusub, ee aanu weliba Boosaska siinay, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo guuraan meelaha aanu ugu tallo galnay”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here