Dawladda Hoose Ee Boorama Oo Dayactir Ku Samaysay Waddooyin

0
839

Boorama (Hargeisa Press): Dawladda hoose ee degmadda Boorama ayaa dayactir ku samaysay jidadka muhiimka ah ee gudaha magaaladda oo ay roobab waxyeeleeyeen.
Waxaanay dawladda hoose ee Boorama sanadkan 2020-ka intii lagu jiray ay gudaha magaaladda ka dayactir, iyo casriyayn ku sameeyeen ilaa afar jid iyo biriijyo.


Waddooyinkaasi oo qaarkood ay waxyeelooyin soo gaadhsiiyeen roobabkii sanadkan ka da’ay magaaladda iyo kuwo siyaabo kale bur-bur u soo gaadhay.
Sida uu sheegay maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo maanta kormeer ku soo sameeyay Waddooyinkan ay dib u habaynta ku samanayaan.


Maayarka oo arrimahaas faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi, “Halkan aan hadda joognaa waa Waddada xaafadda Sheekh Cali Jawhar. Waxaana jirtay in roobabkii da’ay ay jidadka dhaawacyo soo gaadhsiiyeen.
Laakiin Waddadaas aad maanta arkaysaan waa Waddadii afraad ee intii roobku da’ay kadib aanu dayactirno.
Waxaan ugu tallo galnay dhamaanba Waddooyinka magaaladda in aanu dib u habayn ku samayno”.
“Waad ogaydeen oo laba jid oo kale ayaanu hore u soo dayactirnay. Dhulkii ugu dhibaatadda badnaa ayaan ka soo bilawnay, waanan sii wadaynaa ilaa aan ka dhamaystirayno” ayuu yidhi maayarka Boorama.
Geesta kale maayar Saleebaan Xasan Xadi, waxa uu isla shalay soo kormeeray Waddada xaafadda Haya-yaabo ee magaaladda Boorama, taasoo ay dhawaan dayactir ku samaysay dawladda hoose.
Waxaana hirgelinta jidka xaafadda Haya’yaabo si weyn ugu diirsaday gaadiidlayda ka dhex shaqeeya xaafadaasi gaar ahaan derawaliinta Mooto Bajaajta.


Kuwaasoo sheegay in markii hore ay dhibaato weyn ku qabeen isticmaalkeedda siiba xiliyadda roobabku da’aan, balse ay hadda wax badani iska bedeleen arrintaasi.
Waxaanay iga mahad celiyeen dawladda hoose ee Boorama hirgelinta jidkaasi. Iyagoo dhinaca kalena derawaladda gaadiidka dadweynuhu ay ka codsadeen masuuliyiinta dawladda hoose in ay biriijkaasi ugu xidhaan Laanbadaha ama laydhka jidadka, maadaama oo biriijkaasi Madow yahay xiliyadda habeenkii.
Saleebaan Xasan Xadi, oo weriyeyaasha uga warbixiyay markii uu kormeerka ku marayay Jidka Haya-yaabo ayaa ka jawaabay cabashadda Laydh la’aanta biriijkaasi ee gaadiidleyda.
Waxaanu balan qaaday in ay si dhakhso ah ugu xidhi doonaan Laydhka.
Waxaanu yidhi, “Biriijkan aan imika joognaa, waa biriijkii labaad oo magaaladda ah, ee aanu wax ka qabanay sanadkan gudihiisa. Waa meeshii ugu dhibaatadda badnayd, ee ugu cabashadda badnay, oo intii maamul ee hore waxba laga qaban kari waayay.
Sidaa ay dadweynuhu tilmaameen Laydhkana waan ugu xidhi doonaa.
Markii hore haddii uu Roob da’o lama mari jirin. Laakiin, imika dadka iyo gaadiidkuba way mari karaan”.


Dhinaca kale maayar Saleebaan Xasan Xadi, waxa uu sheegay in ay ka gp’an tahay sidii ay u qurxin lahaayeen magaaladda.
“Waxaanu ugu tallo galnay, magaaladu in ay noqoto, magaca ay huwan tahay in uu ka muuqdo” ayuu yidhi maayar Xadi.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here