Dawladda Djibouti Oo La Filayo In ay Bedesho Wakiilkeedda Somaliland

0
714

Hargeysa (HP): Xukuumadda Jamhuuriyada Djibouti ayaa la filayaa in ay dhawaan masuul cusub u soo magacowdo Xafiiska ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland, kaasoo bedelaya Safiirka iminka xafiiskaasi madaxda ka ah Xuseen Cumar Kawaaliye oo xilkaasi hayey tan iyo markii la furay Xafiiska sanadkii 2015-tii.

 

ilo-wareedyo ku dhow dhow qasriga looga arrimiyo dalka Djibouti, ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee dalkaasi wada-tashi ka yeesheen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Xafiiska Dawladdiisu ku leedahay Somaliland.

Kaasoo sida ay wararku tibaaxeen xukuumaddu saluugsan tahay shaqadiisa, kaddib markii uu ka gaabiyey fulinta hawlo dhinaca diblomaasiyada iyo Ganacsiga ah oo kamida shaqooyinka uu uga wakiilka yahay Dawladda dalkaasi oo uu waxba ka qaban waayey.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalkaasi oo ku saabsan sababta iyo goorta isbedelka maamul loogu samaynayo Xafiiska Wakiilka Dawladda Djibouti ee Hargeysa, sidoo kalena ma cadda in ilaa hadda qorshe la xidhiidha hindisahan la soo gaadhsiiyey madaxa Xafiiskan Ambasadoor Kawaaliye iyo in kale, inkasta oo sida la tibaaxay uu isaga laftiisu dareensan yahay in ay Xukuumadda uu wakiilka u yahay aanay la dhacsanayn shaqadiisa iyo hannaanka uu u shaqeeyo xafiiskiisu.

 

Warku intaasi ku daray in dhawaan xukuumadda Djibouti soo magacaabayso diblomaasi cusub oo howlaha Xafiiskan tamar cusub iyo isbedel ku sameeya.

 

arrimo badan oo sabab u ah in la bedello Ambasaddor Kawaaliye

Haddaba,inkasta oo aanu war rasmi ah ka soo bixin dawladda, haddana xogaha ku saabsan sababta loo bedelayo safiirka, ayaa ah kuwo aad u xoojinaya tibaaxa ilaa iminka la hayo, sababahaasi oo la xidhiidha dayac iyo dhacdooyin soo jiitamay oo wakhtigii wax laga qaban lahaa laga daahay.

Xoguhu waxa ay si cad diirka uga qaadeen in Wakiilka Xafiiskan ku magacaaban ee aan kor ku xusnay uu yahay Nin xidh-xidhan oo aan aqoon badan oo diblomaasiyaddeed lahayn, kuna liito xidhiidhka bulshada iyo fahamka dhaqanka Soomaalida, labada qodob oo laf-dhabar u ah shuruudaha ay dawladduhu ku xushaan danjireyaasha ay dalalka kale u dirsanayaan.

 

Docda kale, arrimaha lagu haysto Danjire Kawaaliye ee ay Dawladdiisu saluugtay, waxa kamida in uu gabi ahaanba dayacay ilaalinta danaha Dalkiisa ee Somaliland, khaasatan mashaariic dhinaca ganacsiga ah oo ay qaar Dawladdiisu si dadban door ugu leedahay, qaarna uu Qoyska Madaxweyne Geelle Saami ku leeyahay.

 

Waxa kale la sheegayaa in aanu safiirku wax xidhiidh ah la lahayn Dawladda Somaliland, marka laga yimaado ashkhaas u badan masuuliyiintii xukuumaddii hore oo ay iyagana ka dhaxayso saaxiibtinimo shakhsi ah.

 

Dhawaan ayey ahayd markii Golaha Wakiillada Somaliland laaleen qodobo ku jiray xeerka Isgaadhsiinta Dawladda oo xadhigga Fibre Optic Kooto loogu xidhay Shirkadda SOMCABLE oo uu leeyahay Ganacsade labada dal ee Somaliland iyo Djibouti dhalasho ka haysta oo hirgelinta mashruucaasi toban sanno ka hor ka soo qaatay Dawladda Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Sidoo kale, waxa sanadkii la soo dhaafay aad u shiiqay saami ku lahaanshiyaha Wershada SBI ee xubno kamida Qoyska madaxweyne Geelle, kaddib markii ay isku dhaceen Ganacsadaha Wershadaasi leh ee Axmed Geelle Arab iyo Xukuumadda Djibouti, arrintaasi abuurtay xiisad cirka isku shareertay oo xataa saameyn ku yeellatay xidhiidhka labada dawladdood.

 

labadan arrimood iyo dhacdooyin kale oo lamida, ayaa la sheegay in uu Safiir Kawaaliye ku fashilmay in uu ciyaarro doorka diblomaasiyaddeed ee kaga aaddan, waxaana xogguhu intaasi raaciyeen in aanay dawladda Djibouti soo dhaweyn ee ay aad uga xumaatay hadal uu safiirkeedu warbaahinta ka sheegay mar uu u jawaabayey mid kamida hogaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka Somaliland oo duray siyaasadda xukuumadda Geelle ee ku saabsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa si qaawan oo ka baxsan anshaxa diblomaasiyada iyo siyaasadda hadal ugu weeraray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isagoo ka daba socday eeddeynta xisbigaasi u jeediyey Xukuumadda Geelle.

Safiirka ayaa xilligaasi halis geliyey, danaha dawladda Geelle ee Somaliland iyo nabad-gelyada iyo dhowrsanaanta Xafiiska uga furan Hargeysa, sidoo kalena marada ka fayday nidaamka ay Dawladdu ula xidhiidho hogaamiyeyaasha siyaasadda ee Somaliland.

Arrintaasoo iyaduna ah mid ay inta badan dawladduhu ilaaliyaan, ka hadalkeeduna uu madnuuc ka yahay Warbaahinta.

Ugu dambeyn, ilo wareedyadu iyagoo isku-xidhaya shaqada uu wakhtigan Xafiiska Dawladda Djibouti ku leedahay Somaliland uu qabto oo ku kooban dalabka dhalashooyinka carruurta Jaalliyada dalkaasi ee Hargeysa ku dhasha, taasoo qayb ka ah fidinta adeegyo aad u xadiddan oo uu muwaadiniinta Reer Djibouti ee Somaliland degen siiyo iyo baaxada hawlgalka siyaasaddeed, dhaqaaale iyo istaraatiijiyaddeed ee ay xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle u furtay.

Waxay tilmaameen in la gaadhay xilligii Madaxweyne Geele uu boodhka ka tumi lahaa Xafiiskan, si uu u hilaadiyo ka faa’idaysiga fursadaha mustaqbalka, una saxo khaladaadkii ay kaga lumeen kuwii hore.

 

maqnaanshiyaha doorka Djibouti ee xudunta hirdanka Geeska Afrika

Somaliland oo ah dal aanay wali qaramada midoobay aqoonsan, balse ay Dawladdaha gobolka qaarkood iyo daneyayaal kaleba ula dhaqmaan sidii dawlad la ictiraafsan yahay, ayaa soo jiidatay indhaha adduunka.

Kaddib markii ay shantii sannadood ee u dambeeyey hanatay maal-gashiyo caalami ah iyo Iskaashi ay la samaysay qaar kamida dalalka ku hirdamaya Geeska Afrika.

 

Waxaana intii ay talaabooyinkaasi Somaliland qaaday si weyn loo tebayey doorka Dawladda Djibouti ee dabeysha isbedellada ay xudunta u tahay Jamhuuriyada Somaliland ee ka socda gobolka.

Taasoo maqnaanshiyaheeda wax laga saarayo dhaqdhaqaaq la’aanta Xafiiskeeda Hargeysa oo u muuqda maktabad lagu akhristo siyaasadda Djibouti.

Ka-na hurda hirdamada Siyaasaddeed iyo dhaqaale ee ka socda Jamhuuriyadan dihin ee danaynaysa maal-gashadeyaasha caalamiga ah iyo kuwa Gobolkaba.

 

 

  1. Cumar Diiriye

London/UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here