Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

0
973

Istanbul —  Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ayaa kasoo horjeestay go’aanka uu Turkigu dalkiisa uga eryay Saddex saxafi oo Jarmalka u dhashay.

Heiko Maas ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa “mid aan la aqbali Karin” uuna samaynayo ol’ ole kadhan ah arrintaas.

Wariyeyaashaas ayaa la siiyey muddo 10 cisho ah oo dalka ay uga baxaan. Waxaana la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horraysay oo Turkigu uu diido in uu qaabilo saxafiyiinta ajaanibta ah.

Arrintaas waxay dib usoo celisay walaaca laga qabo cabburinta uu Turkigu ku hayo saxaafadda xorta ah.

Heiko Maas said he would keep campaigning against restrictions on journalists’ work

Tobonaan saxafiyiin ah oo Turkiga u dhashay ayay dawladdu xabsiga dhigtay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la lahaayeen koox ay dawladdu la xiriirinayso afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016-kii.

In kabadan 107,000 oo qof ayaa laga rukhseeyey shaqooyinka dawladda kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la lahaayeen Fetullah Gülen, oo ah wadaad lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay.

Nin la taliye sare u ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey in xukuumaddu ay cabburin ku hayso saxafiyiinta.

ZDF’s Jörg Brase accused Turkey of “going after” international media organisations

Labo kamid ah saxafiyiintaas ayaa dalkaas ka baxay maanta oo Axad ah, halka midka kalena uu goor horeba tagay dalka Jarmalka.

Saddexda wariye ayaa kala ah:

Thomas Seibert, oo u shaqeeya wargayskaTagesspiegel.

Jörg Brase, oo agaasime ka ah ZDF

Halil Gülbeyaz, oo katirsan TV-ga NDR

Mr Maas ayaa wargayska Tagesspiegel u sheegay “Haddii aanay jirin saxaafad war dhaliisha ma jirto dimuquraadiyad xor ah”

“Waan sii wadi doonaa dadaalka ku aaddan in saxafiyiintu ay ka shaqeeyaan Turkiga ayagoon wax xayiraad ah la saarin.”

Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu uu ogyahay waxa Jarmalku uu doonayo. Dhanka kale, Mr Brase ayaa BBC-da u sheegay in uu Iran ka shaqayn karo, balse aanu ka shaqayn Karin Turkiga oo xubin ka ah ururka Nato.

BBC NEWS

LEAVE A REPLY