Dawlada Somalilad Oo Ku Baaqday In Dib Loo Furo Wada Hadalkii U Socday Somaliland Iyo Somaliya

0
1422
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawlada Somaliland ayaa ugu baaqday dawlada dhawaan la dortay ee Somaliya in dib loo furo wada hadaladii u dhaxeeyey labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliya si looga wada-xaajoodo arrimaha nabadgaliyada,,Iskaashiga,dhaqaalaha iyo horumarka,sidaasna waxa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,sida lagu baahiyey mareegta African Business.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlayey shir lagu qabtay London oo lagu xusayey sanad guuradii 26-Aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland.waxa uu sheegay doorashada madaxwaynaha cusub ee Somaliya dooratay bishii Febarwari ee lasoo dhaafay uu keeeni doono in guul laga gaadho wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

“Waxaan bilownay wada hadalka aanu la leenahay Somaliya sanadkii 2012-kii,waxaanan yeelanay wada hadal soo taxnaa ilaa mudadaas,waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo aan horumar laga gaadhin marka laga reebo maamulka hawada,waxaanu qabnaa in dawladii hore ee Somaliya aanay u heelanayn wada hadalka,hase’ahaatee dawladan cusubi waxay sheegtay inay ka go’an tahay wadaxaajoodku,waxaanu filaynaa inaanu guul ka gaadhi doono”Sacad Cali Shire

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo wali hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Aakhirka waxaanu u aragnaa in Somaliland iyo Somaliya ay noqon doonaan laba dal oo kala madax-banaanoo iska kaashada dhinacyo badan ,waxa jira mawduucyo badan oo aanu ka wada hadli karno annaga iyo Somaliya oo ay kamid yihiin dhinacyada Nabadgaliyada hawada,arrimaha la xidhiidha iskaashiga dhaqaalaha,horumarinta iyo Caafimaadka,waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqnay inay Somaliya ku cadaadiyaan in wada hadaladu midho dhalaan”.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in ay cadaalad darro tahay in Beesha Caalamku Somaliya aad u danayso,halka aanay Somaliland oo xasiloon oo dimuqraadi ahna aanay aad ugu soo jeedin Caalamku waxaana uu yidhi

“Somaliland waxay ku naaloonaysaa nabadgaliyo iyo daganaansho,waxaana ka jirta Dimuqraadiyad,waxaanu doonaynaa in Beesha Caalamku ay Somaliland ku abaal mariso waxa wanaagsan ee ay qabsatay oo aanay diiradda saarin oo aanay garab istaagin dalalka guul-daraystay sida Somaliya iyo meelaha kaleba”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad Cali Shire.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here