Dawlada Somalia oo Booliska Malaysia U Adeegsatay Inay Baajiso Munaasibad Lagu Soo Dhaweynayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
1233

Kuala Lumpur (Hargeisa Press)- Warqad maanta ka soo baxday booliska magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in ayna dalkaas ka dhici karin munaasabad soo dhaweyn loogu sameynayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Amarka ka soo baxay booliska ayaa sida la sheegay inuu yimid kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu taliska booliska ka dalbaday in la joojiyo munaasabadda lagu soo dhaweynayo siyaasiga oo ay qaban qaabadeeda ku jireen inta badan ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool Malaysia.

Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in safiirku booliska uu ku qanciyey inay jiraan dad badan oo u cadheysan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo uu sheegay in khudbad uu hadda ka hor ka jeediyey dalka Jarmalka ay ka dhalatay cadho badan, isla markaana ay macquul tahay in dhib ka dhaco goobta.

Dhinaca kale, munaasibadda soo dhaweynta ah ee Cabdiraxmaan ayaa qabsoontay waxuuna ka jeediyey khudbad uu dhaliilo ugu soo jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xaqiijiyey in munaasibaddas ay ugu qabsoontay sidii loogu tala galay, isla markaana wax faahfaahina aanu ka helin warka booliska, balse uu maqlay oo kaliya.

Sidoo kale, xubno ka tirsan dhalinyaradii ku jirtay qaban qaabada xafladda soo dhaweynta ah ee loo sameynayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xafladdu ay ugu qabsoontay sidii ay ugu tala galeen, balse ay arkeen warqadda booliska, wallow ayna xaqiiji karin sax ahaansheheeda.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waayihii dambe waxa uu dalka dibadiisa ka waday socdaal uu ku maray wadamo dhowr ah, kuwaas oo uu kula kulmay dadka Soomaalida ee ku nool.

Hoos ka akhriso warqadda booliska malaysia

LEAVE A REPLY