“Dariiqa Ay Somaliland Aqoonsiga Ku Raadinaysay Waa Khalad iyo Qardo-jeex”…

0
756

Hargeisa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa soo jeediyay in Somaliland ay dib uga noqoto dariiqii hore ee ay mari jirtay aqoonsi raadinta, kaasoo uu ku tilmaamay mid khaldan oo qardo-jeex ah.

Waxaanu ku baaqay in qabto shir lagaga tashanayo sidii wax looga bedeli lahaa dariiqaas hore ee ay Somaliland ku socotay sideed iyo labaatankii sanadood ee ay jirtay.

Xildhibaan Kijaandhe, oo hadal ka jeediyay fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda waxa uu ka warbixiyay shir baarlamaanadda wadamadda barwaaqo sooranka oo bishii hore uu kaga qayb galay dalka Uganda.

Waxaanu sheegay in shirkaasi ay ka soo qayb galeen xubno baarlamaan oo ku dhaw kun ruux.

Iyadoo ururkaasi ay ku midoobeen 53 wadan oo aduunka tirsan, isla markaana wadamadaas baarlamaanadoodu shirkaasi isugu yimaadaan.

Halkan Ka Daawo Hadalka Kijaandhe:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY