Dareen Muwaadin

0
2311
Dareen muwaadin
 
Dareen muwaadin waa mawduuc gaaban waxaan maqli jiray Maanso tiraahda “indhihii basaasow boorama ma aragteen”? .
 
waqtigaa isgurayoo
hadba xaajo gododliyo
ged lasoo baxaayo
garashada damqaayee
gabgablaha gartiisii
godkusii ridaaye
galad aanu gaadhin
gobonimo aanu garanayn
gudcur sii gudaayoo
kolba erayo guracana
goobtiisa facebook
isla gaabinaayow
hadalkaaga guuxa ah
soo gaabi gocoshada
 
Maansadii Goljano Hadraawi dheegasho ama erayo ayaan ku dhex darsaday si aan ula jeedadayda usheego.
 
waxaa bulshadeena ku dhacay (identity crisis) ama khalkhal qofnimo maadaama dadkeenu ahaayeen reer miyi oo noloshoodu ku dhisnayd xoog iyo boob oo geesigu ku suntanaa inuu wax boobo,diriro ayaa noloshii magaalada aynu soo galnay lamanaynaan jaanqaadin, isbadalkii labadaas dhaqan waa ka mid jahwareerka maanta ,
Sidoo kale burburkii dagaal ee dawladii soomaliyeed ee burburtay ayaa saamayn wayn iyo raadba kaga tagay bulshada waxaana abuurmay nolol kali macaash ah naxariis iyo damqashaduna ku yartahay.
 
Bulshada noocaas ah waxaa intaas usii dheer ee dhibta ugu badan ee Bulsho isu dan ah kala qoqobtay aragtidoodiina yaabka galisay waxaa qayb wayn ka ah warbaahinta iyo baraha la iskugu yimaado oo fahan badan aynaan ka haysan
 
1- BBC Qaybteeda Afsoomaliga ku hadasha:-
 
waxay si toosa uga badheedha propoganda buunbuunin xoogan oo lagu qariyo guulaha waaweyn ee Somaliland usoo kordha, waxay ku nuuxnuuxsataa isku dhaca khilaafka iyo dooddaha xisbiyadda qaran ee loolanka ugu jira hogaaminta dalka waxay dhex dhigtaa muran qaranimadda dhaawacaya waxaan odhan karaa waa ka qayb dhibta dadka muwaadinka ah aragtidooda guraca ka dhigay.
 
2- Mucaarid iyo Muxaafid
 
Mucaarid iyo muxaafid waa wax macno weyn u leh dimuqraadiyada dalka ka jirta waa laba waaxood oo barbar ka jooga jiritaanka Qaran balse nidaamka dhaqan ee aynu u dhisanahay ee badwaanka ah ayaa wuxuu dheelmi ku riday dimuqraadiyadii qabyaalad baa garab ordaysa maalinba kii kora ama kii laga badiyo reerahooda ayaa kala taageera bal amarka ilaahay halkee loo wadaa !
 
3- Facebook/Whatsup/ iyo warbaahinta dadku isku arko:
 
Sociol network waxay bartani ka dheeraysaa warbaahinta kale oo dhan waa meel shakhsi walba leeyahay goob uu farxadiisa iyo cabashadiisaba ku gudbiyo waxaad moodaa in siyaasadii dalka ay dad badan oo rayid ah qayb ka noqdeen iyagoon aqoon ulahayn, waxaa qaybaha ugu badan ee nacaybka abuura kow ka ah dadka qayila ee fadhi ku dirirka ah oo xanuun badan oo uu qabay kula dul dhaca,
 
Gobonimaddu waa waajib umadeed nolosha guusheeduna waa fahan iyo ficil (Commitment) waxaad moodaa in qiimo kasta oo bulshadeena usoo kordha waxaa si mugdi ah u muuqda inaynaan haynin dariiq caqli salmi ah oo xoojiya sii jiritaankeeda waxaad arkaysaa in ishii waxa wanaagsan qiimayn lahayd aanay jirin,(Indhihii basaasow boorama ma aragteen) waxaa sidii slave ama gumaysigii la inoogu shubo in dhinaca xun waxkasta ku qiimayno,Muwaadinimo waa wax ibnu aadamka ku qaali ah waxaad leedahay iyo sidaad ugu faani lahayd haba xumaado hadana in tuurta aad ka biiso oo afkaaguna waxa san barto ayaa dalku kaa mudan yahay.
 
W/qoray : Ahmedyasin sh Cumar Sh Ahmed Furre

LEAVE A REPLY