Danjire Nicholas Kay Oo Hargeysa Soo Gaadhay iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
1066

Danjire Nicholas KayHargeysa,(HargeisaPress) —Xoghayaha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka dib Casuumad Xukumaddu u fudisay. Waxa uu ka soo kicitimay Garoowe oo uu shalay kulamo kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Somaliland Mawliid maxamed Ibraahin, oo Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Ergayga ayaa sheegay inay Somaliland iyo Nicholas kay ka wada shaqaynayaan arimaha bani=aadanimo “Waxaanu soo dhaweynaynaa Nicholas Kay oo ah U qaybsamaha Somaliland iyo Somalia ee Qaramada Midoobay. Waa markii labaad ee uu halkan yimaado mudo sanad iyo bil ah. Sidaad ogtihiin Xafiiskan UNSOM(Xafiiska Nicholas Kay) waxa uu leeyahay laba qaybood oo kala ah Siyaasadda iyo bani-aadanimada, sidaasi darteed mar walba waynu ka tirsanahay xafiisyadan Hargeysa ee uu isagu maamulo, markaa dhinaca aynu sida xooggaha uga wada shaqayno waxa weeye dhinaca Arimaha bani-aadanimada” ayuu yidhi wasiir xigeenka khaarajigu.

Amb: Nicholas Kay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyihiisa Hargeysa, isagoo tilmaamay inuu kulamo la yeelanayo Madaxweyne Siilaanyo iyo badi wasiiradiisa “Waxaa farxad weyn ii ah inaan Hargeysa mar labaad imaado, waxaan joogi doonaa ugu yaraan maanta, waxaan la kulmi doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiiro badan.waxa aan la kulmi doonaa Madaxda Qaramada midoobay ee Somaliland ka shaqeeya, waxaanan kala hadli doonaa sida ay bulshada somaliland ula shaqaynayaan” ayuu yidhi Mr Kay.

Nicholas Kay ayaa ku sinaan sanad iyo bil ka hor yimid Hargeysa, wakhtigaasi oo wax yar uun ka dambeysay markii xafiiskan loo magacaabay. Mr Kay oo u socday wada hadalo uu la yeesho Madaxweyne Siilaanyo wasiirada ayaa wakhti Casar ah ka caraabay Hargeysa ka dib markii ay isfahmi waayeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxay isku mari waayeen sida ay u wada shaqaynayaan, maadaama oo Nicholas Kay u sheegay madaxweynaha inuu sida Maamulada Somalia ula shaqaynayo, balse Madaxweyne Siilaanyo ku adkaystay inay arintaasi wax u dhimayso madaxbanaanida Somaliland, waxaanu ku wargaliyay Mr Kay inuu dalka degdeg uga baxo islamarkaana aanu dib ugu soo noqon.

Somaliland ayaa casuumad u samaysay wakhtigan Nicholas Kay, ilaa haddase ma sheegin wax iska bedelay Mawqifka Mr Kay eek u Aadan inuu Somaliland ula shaqeeyo sida Maamul Goboleedyada Somalia.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here