Danaha Istiraatiijiyadeed ee Imaaraadku ka leeyahay Somaliland iyo saameynta falcelinta gobolka

0
2306

Hargeysa (Hargeisa Press)- Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa si qoto-dheer u xoojinaya iskaashigooda dhinaca Millateriga iyo Nabadgelyada, taas oo muujinaysa isbeddel muuqda oo ku yimi dhaqdhaqaaqyada Gobolka. Xoojinta iskaashigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Imaaraadku uu ballaadhinayo saamaynta istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, isaga oo isu dhigaya xubin muhiim ah oo ka mid ah juquraafi ahaan gobolka.

Taliyaha Guud ee Milliteriga Somaliland, Sareeye Gaas Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa dhawaan wada-hadallo heer sare ah kula yeeshay Abu-Dhabi Taliyaha Guud ee Milliteriga Imaaraadka Sareeye Guud Eisa Saif Mohammed Al Mazrouei. Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhanka difaaca oo ay ka mid yihiin casriyeynta ciidamada iyo kaalmeynta amniga.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Somaliland, Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuu Somaliland ka taageeri doono dhinacyo ay ka mid yihiin tababarrada ciidamada, tignoolajiyada casriga ah ee difaaca, iyo taageerada saadka. Taageeradani waxa ay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo awoodda difaaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta kaabayaasha amniga qaranka. Xiliga wada hadaladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Sarreeye Gaas Nimcaan Yuusuf Cismaan uu ka qeyb galay bandhigga difaaca caalamiga ah ee Abu Dhabi, kaasoo socon doona ilaa 23-ka Feberwari 2025.

Danaha Istiraatiijiyadeed ee Imaaraadku ka leeyahay Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland oo si istiraatiji ah u gelaysa marinnada Gacanka Cadmeed iyo marinnada maraakiibta badda cas, Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddo dheer danaynaysay Imaaraadka. Abu Dhabi ayaa isku dayday in ay ballaadhiso joogitaankeeda ciidankeeda dekedda magaalada Berbera, tallaabadaas oo u sahlaysa in ay si qoto dheer uga hirgeliso awoodda Bariga Afrika, kana hortagto saamaynta Turkiga oo taageera Soomaaliya.

Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in Imaaraadku uu aad u danaynayo inuu saldhig milateri ka samaysto magaalada Berbera, taasoo sii xoojinaysa cagihiisa istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Talaabadani waxay daba socotaa maal-gashigii hore ee Imaaraadku ku sameeyay Somaliland, gaar ahaan horumarinta malaayiinka dollar ee Dekedda Berbera ee DP World. Balaadhinta Dekadda Berbera waxa ay ka dhigtay xudunta badda ee mandaqada, una adeegta dano ganacsi iyo mid ciidanba.

Xeeladda Diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Danaha Ammaanka

Jamhuuriyadda Somaliland, sii xoojinta xidhiidhka millateri ee ay la leedahay Imaaraatka Carabta, waxa ay la jaan-qaadaysaa ujeeddooyin ballaadhan oo lagu horumarinayo nabadgelyada iyo kordhinta aqoonsiga caalamiga ah. Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, Somaliland waxay doonaysay inay dhisto iskaashi shisheeye oo aan xoojinayn ciidamadeeda difaaca, balse sidoo kale xoojinaysa sharcinimadeeda masraxa caalamiga ah.

Madaxweyne C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa bishii ina dhaaftay laba safar oo rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo muujinaysa xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo mid amni ee ka dhexeeya Hargeysa iyo Abu Dhabi. Booqashadiisa ugu dambeysay waxaa ka mid ahaa ka qeybgalka shir madaxeedka dowladda adduunka, kaasoo lagaga hadlay arrimaha amniga gobolka, maamulka iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Falcelinta Gobolka iyo Saamaynta

Soomaaliya, ayaa si joogta ah uga soo horjeeda heshiisyada ciidamada shisheeye ay ku lug leeyihiin Somaliland, iyadoo ku doodeysa in heshiisyadaas ay wiiqayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in ay si buuxda ugu dhaqmayso heshiisyada noocan oo kale ah, marka la eego sida ay u madaxbannaan tahay dawladnimada iyo jawiga siyaasadeed ee deggan.

Saamaynta Milateri iyo Dhaqaale ee Imaaraadku ku soo kordhinayo Somaliland, ayaa ahayd qodob la isku hayo tan iyo 2017 markii DP World ay saxeexday heshiiska lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaas mid sharci darro ah, iyadoo sheegtay in dhammaan maalgashiga shisheeye lagala hadlo. Xiisadan ayaa cirka isku sii shareertay sanadkii 2018 markii madaxda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabteen 9.6 milyan oo dollar diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta, iyaga oo ku eedeeyay Abu Dhabi in ay maalgeliso maleeshiyada gobolka. Imaaraadku isaga oo ka jawaabaya waxa uu soo afjaray barnaamijkii tababarka ciidan ee uu siin jiray ciidamada Soomaaliya, taas beddelkeedana waxa ay diiradda saareen wada-shaqayn toos ah oo dhinaca ammaanka ah oo ay la yeeshaan Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Doorka Itoobiya ee Isbarbardhigga

Doorka Imaaraadku ku yeelanayo Somaliland ee sii kordhaya, ayaa ku soo beegmaya iyadoo Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah la gashay Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay ku jiraan in ciidammada badda Itoobiya ay galaan magaalada Berbera. Heshiiskan oo la saxeexay horraantii 2024-kii, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex dhaliyay Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo sii murjisay xulafada gobolka.

Itoobiya oo aan bad lahayn, ayaa muddo dheer raadinaysay marinka badda si ay u fududayso ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha. Heshiiska istiraatijiyadeed ee ay la gashay Somaliland waxa uu u ogolaanayaa in ay ka faa’iidaysato Dekedda Berbera, iyada oo laga yaabo in ay samaysato joogitaan badeed. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa mucaaradad xooggan kala kullantay Soomaaliya oo sheegtay in ay awood ku leedahay arrimaha Somaliland inkasta oo ay Somaliland dhowr iyo toban sano ku jirtay ismaamul iyo xasillooni.

Saamaynta Siyaasadeed ee Ballaadhan

Halka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Geeska Afrika ay juqraafi ahaan ka fog yihiin badweynta Baasifigga, horumarka istaraatiijiyadeed ee mandaqadani waxa uu leeyahay saamayn weyn oo caalami ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waa marin badeed muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, isbeddel kasta oo lagu xakameynayo ama xasilloonida amniga ee biyahaas waxay saameyn kartaa maraakiibta caalamiga ah iyo danaha dhaqaale, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka Pacific.

Marka uu Imaaraadku sii xoojiyo mawqifkiisa Somaliland, waxa soo shaac bixi doonta awoodda uu u leeyahay in uu xakameeyo marinnada muhiimka ah ee maraakiibta, isla markaana uu ka hortago kooxaha isku haya gobolka sida Turkiga iyo Iran. Isbeddelkan dhaqdhaqaaqa awoodda wuxuu la socdaa walaacyo amni oo ballaadhan oo caalami ah, oo ay ku jiraan ballaadhinta Hindisaha Belt iyo Road ee Shiinaha iyo saameynta ay ku leedahay Afrika. Mareykanka iyo ciyaartoyda kale ee caalamiga ah waxay u baahan doonaan inay si dhow ula socdaan horumarkan si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo ilaalinta danahooda istaraatiijiga ah ee gobolka.

Isku soo wada duuboo Jamhuuriyadda Somaliland ee la macaamilka ciidan iyo diblumaasiyadeed ee Imaaraadka waxa ay calaamad u tahay marxalad xasaasi ah oo ku wajahan amniga gobolka. Xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya Hargeysa iyo Abu Dhabi ayaa ka tarjumaya himilooyinka istiraatijiyadeed ee Somaliland iyo doorka sii kordhaya ee amniga gobolka.

Dhanka kale, ballaadhinta joogitaanka Imaaraadka ee Geeska Afrika waxay muujineysaa sida ay uga go’an tahay sugidda waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga iyo ka hortagga juquraafi-siyaasadeedka.

Marka ay arrimahani soo baxaan, waxa laga dareemi doonaa meelo ka fog Bariga Afrika, taas oo saamayn ku yeelan doonta istiraatijiyadaha amniga caalamiga ah, siyaasadaha ganacsiga, iyo isku xidhka dublamaasiyadeed ee caalamka. Mustaqbalka iskaashiga Somaliland iyo UAE ma qaabayn doono oo kaliya qaab-dhismeedka amniga Geeska Afrika, balse waxa uu sidoo kale saamayn doonaa danaha guud ee juqraafiyeed ee ku wajahan badweynta Baasifigga iyo ka shisheeyaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here