Dalladda SONSAF Oo Baaq Ka Soo Saartay Colaad Beeleedka Ceel Afweyn

0
769

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Dalladda ururradda aan dawliga ahayn ee Somaliland ee magaceedda loo soo gaabiyo SONSAF ayaa baaq nabadeed ka soo saartay colaad beeleedka ka taagan degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Baaqaasi oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar Abdirahman Warsame, ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dhibaatadda colaadeed ee mar kale ka soo cusboonaatay degaankaasi.

Baaqa SONSAF waxa uu u dhignaa sidan:

“Baaq ku saabsan Colaadda Ceel Afwayn

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac wayn ka muujinayaan colaadda soo noq-noqotay ee Degmada Ceel Afwayn ku dhex maraysa Beelaha walaalaha ah ee degaankaas ku wada nool. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo cunfiga iyo dhiiga dadka walaalaha ah ee hawl yaraanta ku daadanaya.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay u soo jeedinayaan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka in sida ugu dhakhsaha badan xal loogu raadiyo caqabadaha salka u ah hurinta colaadda Ceel Afwayn.

Bushada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku adkaynayaan Xukuumadda in ay Xoojiso fulinta sharciga, oo hub ka dhigis iyo dhaqan celinba u samayso dhalinyarada hubaysan ee labada dhinac. Isla mar ahaantaana talaabo adag ka qaaddo cidkasta oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh colaadda Ceel Afwayn.

Bulshada Rayida ah ee Somaliland waxa ay rumaysanyihiin si loo helo nabad gelyo waarta oo ka hirgasha deegaanadaas waa in Xukuumaddu xoojiso joogitaanka hay’adaha Dawliga ah ee Deeganadaas, isla mar ahaantaana kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadyawga ku nool guud ahaan Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceel Afwayn.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay soo jeedinayaan in Xukuumadda Somaliland siyaasad cad oo dhaqan gasha ka yeelato lahaanshiyaha dhulka, kala xadaynta dhul daaqsimeedka iyo degsiimooyinka, korodhka magaalowga iyo khayraadka dabiiciga ah.

Bulsharada Rayidka ah ee Somaliland waxay ku boorinayaan Xukuumadda in ay ka hirgeliso deegaanadaas mashaariic horumarineed oo shaqo u abuuraya dhalinyarada Deegaankaas oo u baahan in loo abuuro yididiilo iyo Rajo nololeed oo ka joojisa in ay qayb ka noqdaan colaadda.

Ugu dambayn Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan dhamaan wax-garadka, Aqoonyahanka, Culimada, Madax dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka deegaankaas in loo hawl galo nabadgalyo waarta oo ka hirgasha Degmada Ceel Afwayn.

 

Anwar Abdirahman Warsame

Guddoomiyaha SONSAF.

LEAVE A REPLY