Dallada SONYO oo kaashanaysa Hay’addaha Save iyo SOS-Somaliland Oo Kulan Xal U Helista Dhalinyaradda Dugsiyadda Sare U Qabatay + SAWIRRO

0
824

Hargaysa (HargeisaPress) —Dallada SONYO oo kaashanaysa hay’adaha Save iyo SOS-Somaliland ayaa waxaa maanta ay kulan ku saabsan xal u helida caqabadaha iyo kobcinta Fursadaha Dhalinyaradda Dugsiyada Sare waxa ay u qabteen dhalinyaro fara badan oo iskugu jirta ardeyda jaamacadaha dalka iyo dugsiyada sare ee Somaliland.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadashay isla markaasina ka warbixisay u jeedooyinka kulankan iyo waxyaabaha uu daaranyahay fadxiya xuseen jaamac waxayna tidhi”kulankani waa kulan saddex biloodle ah , saddexdii biloodba marbaa la qabtaa waxayna dhalinyaradu soo doortaan xaalada jirta sidii ay uga hadli lahaayeen, bilihii hore waxaa uu mawduuceenu daaranaa shaqo carbinta, doorkana waxaa dhalinyarada ka soo maaxday in laga hadlo xogtaa laga soo uruuriyay dugsiyada aynu u bandhigno tobankii iskuul ee laga soo uruuriyay si ay su’aalo macalimiintooda uga weydiiyaan isla markaasina u helaan jawaabo waafiya oo ku filan. SONYO waxay markasta diyaar u tahay in fursadaha noocan oo kale ah ay u badiso dhalinyarada si ay u helaan xogo dhamaystiran oo ku saabsan arimaha dhalinyarada ee xiligaas taagan iyada oo loo soo xulaayo cidii arimahaasi ay rabaan in laga qanciyo ku xeel dheerayd ama ay khusaysay si turxaan la’aan ah”.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulayaasha dugsiyada Faarax-Oomaar, Gacan-libaax,Maxamuud Axmed Cali iyo Faadumo biixi waxayna dhamaantood dhalinyaradii halkaasi joogtay la wadaageen habka loo baahanyahay in dhalinyaradu ay kaga bixi karto shaqo la’aanta la soo darista xiliyada ay waxbrashada dhameeyaan iyaga oo si isku wada mid ah u tageeray in dhalinyaradu aanay xooga uun saarin qalinka iyo buuga oo qudha ee balse ay bartaan xirfadaha noloshooda ay ku maarayn karayaan.

“dhamaanteen waxa aynu u baahanahay sidii dadkeena loo barilahaa ama loogu guubaabin lahaa in nolosha loo kala jajabiyo oo dadka lagu kala daro meelo kala duwan iyada oo xirfado badan oo uu ku shaqeystana la baraayo”sidaasi waxaa yidhi maamulaha dugsiga sare ee 26-june Cali Axmed Xuseen. Sidoo kale maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali Cali Balayax oo isna ka mid ahaa maamulayaasha dugsiyada hoose ayaa sheegay dhibaatooyinka ardeyda qaarkood ay maadooyinku ugu adkaadaan ama dugsiyada u nacaan inay tahay sababo la xidhiidha cilmigan la barayo oo aan ahay kii isagu uu rabay.

“ma jiro saaqid iyo saaqidad toona ee kaliya waxaa is waydaarsan qofkani waxii uu ku wanaagsanaa iyo waxa la barayo ayaa is waydaartay markaaaynu u doorno qofku waxa uu ku wanaagsanyahay” Maamule dugsiga sare ee Faarax oomaar oo isaguna qeyb ka ahaa maamulayaasha goobta joogay ayaa ku raacay aragtida labbada maamule ee arintaasi soo jeediyay waxaana uu yidhi.

“hadaanu nahay maamulayaasha dugsiyada sare, waxaanu anagu ardeyda ku dhiirigalinaa inaanu ardeygu buug iyo qalin isku halaynin ee laakiin wakhti hadii uu haysto uu xirfadahana ka faa’iidaysto”

Guddomiyaha waxbarashada gobalka Saaxil Ibraahim Digaale oo isna goob joog ka ahaa madashaasi ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay hada wadaan sidii dhalinyarada gobalada loogu sameyn lahaa gobal walba goobo dugsi farsamo gacmeed ah oo dhalinyaradu xirfadaha kala duwan u baran lahayd waxaana uu yidhi.

“way fiicantahay maanta in dugsiyadii farsamada gacanta dib loo abaabulo oo koley wasaarada waxbarashadana ay qorshaha ugu jiraan in gobal walba laga aas aaso hal iskuul oo farsamada gacanta ah, waxaa kale oo iyaduna muhiim ah in dugsiyada sare inaan laga yaacin ee majare iyo qorshe loo sii jeexo isla markaasina la dhiiri galiyo”

Madasha ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay xog uruurintii ay ardeyda 10 Dugsi sare oo ku jira uruurka DHALAD isla markaasina ku kala yaala gobalada kala duwan ee Somaliland ay ka soo sameeyeen dugsiyadooda xogahaasi oo ku saabsanaa dugsiyadooda , casharada ay bartaan iyo waxyaabaha ay doonayaan in lagu kordhiyo.

Waxaana goobtaasi su’aalo lagu waydiiyay maamulayaashi ka soo qeyb galay xaflada iyaga oo jawaabo ay ku qanceen dhalinyaradii halkaasi joogtay ugu jawaabay.

Kulankan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay Barnaamijyo kala duwan oo ay dallada SONYO gacanta ku hayso.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO

LEAVE A REPLY