“Dalkani Waynu Ognahay Halganka Loo Soo Maray, Hargaysana In Cid Loogu Dhex Cago Jugleeyo, Layguna Dhaco Yeeli Mayno”Muj Cabdi Ismaaciil.

0
774

Hargeysa, (HargeisaPress)—Muj Cabdi Ismaaciil Aw Maxamuud oo kamid Ahaa Dhalinyaradii Bilowday Kacdoonkii Lagaga soo horjeeday Rajiibkii Siyaad Bare, Islamarkana kamid Xubno dhalinyaro ah oo Dil lagu xukumay loo taxaabay jeel Madheera Oo ka hadlayay xaflad lagu soo dhawaynaya oo xoghayaha guud ee xisbiga wadani oo lagu qabtay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa ka sheekeeyay xadhigii madheera iyo tacadigii loogu gaystay Iyo dhibtii loo soo maray madaxbanaanida jsl  Oo Markiid Danbe Lagu siidaayay Afduubkii Diyaaradii Somali Airline.

Sidoo kale Muj cabdi ismaaciil oo ayaa sheegay in  dalka Somaliland loo soo maray halganka qadhaadh kaasi oo aan  maanta cidna laga yeelaynay in cid lagu dhex xidho ismarkanaa xoog lalaga qaato hantidiisa in aan cidna laga yeelaynay. Xadhigana Cidina aanay ka baqayn, walina ay joogaan shacabka sidii oo kale uhalgamayaa.

Muj Cabdi Ismaaciil Ayaa kamid ah Qoyska Maxamed Xasan Dalab Ee Madaxwayne Biixi Xoog Ciidan Kaga Haysto Dhulkoodii Oo Aanu Usoo Marin Wax Sharci ah Oo u Xalaalaynaya In Xukuumadu Qaadato.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here