“Dagaallo badan ayaanu wada galnay Puntland Guushii na annagaa helnay…”

0
415

Tukaraq (HP): Taliyaha ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka warbixiyay sidii ay ciidamadda Somaliland ku qabsadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Waxaanu sheegay inay Tukaraq ku tegeen xoog iyo dagaallo kala danbeeyay oo ay kaga qabsadeen ciidammada maamulka Puntland.
Sareeye guud Nuux Ismaaciil Taani, waxa uu sidan ka sheegay mar uu sharaxaad ka siinayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti hogaaminayay oo maanta Tukaraq gaadhay.

Taliye Taani, waxa uu sheegay in dagaallo badan ay halkaa ku wada galeen maamulka Puntland oo markii hore Tukaraq gacanta ku hayay, hase yeeshee guusha ay heleen ciidamadda qaranka Somaliland.

DAAWO: Taliye Taani Oo Arrimahaa Madaxweynaha Uga Warbixinaya;

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY